Wasiirka Ciyaaraha Iyo Gudoomiye Xigeenka KULMIYE Oo Garoonka Xawaadle Ka Furay Tartan Cusub

0
654

Picture2Hargeysa (Geeska)- Wasiirka ciyaaraha Md Axmed Cabdi Kaahin oo uu wahelinaayo gudoomiye xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa si wada jir ah tartan dhanka kubada cagta uga furay garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa. Tartanka ayaa noqon doona mid ka mida tartamada bisha barakaysan ee Ramadan inta badan lagu qabto magaalooyinka waaweyne ee Somaliland. Wasiirka ciyaaraha, agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha iyo gudoomiye xigeenka Kulmiye ayaa si wada jir ah u gudoonsiiyey qalabaka ciyaaraha guddiga tartanka bisha Ramadan, waxaanay ka gudoomiyeen qalab isugu jiray Koobka lagu tartamo, dharka kubada lacagu ciyaaro iyo kubado. Waxaana talabaadaa si weyn u soo dhaweeyey ciyaartoyga kala duwan ee garoonka xawaadla iyo dadweynaha xaafada. Masuuliyiinta garoonka ayaa niyad sami ku qaabilay qalabka ciyaareed ee lagu wareejiyey, iyagoo uga mahad celiyey masuuliyiinta ugu deeqay. Mukhtaar Cabdi Aadan oo ah gudoomiyaha tartanka koobka Ramadanta ee garoonak Xawaale ayaa u mahad naqay masuuliyiinta tartanka u furay. Tartanakan laga furay Xawaadle ayaa loogu magac daray Ha Dhibin Qof Dhiban. Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo ka hadlay furitaanka tartanak ayaa soo dhaweeyey ciyaaraha bisha Ramadan iyo wax kasta oo qiima u yeela ciyaaraha Somaliland.

Munaasibada loo sameeyey furitaanka tartanka waxaa soo xidhay wasiirka ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin iyo gudoomiye xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, waxaanay sheegeen inay wasaaradda ahaan iyo xukuumad ahaan ay ka go’antahay wax kasta oo lagu dhiiri gelinaayo ciyaaraha dalka. Waxaanay tusaale u soo qaateen tartankii ay ka qayb gashay kooxdii Somaliland matalaysay ee lagu qabtay wadanka Uk. Kaas oo ay wacdaro ka dhigeen.