Wasiirka Cadaaladda Oo ka Hadlay Dadka La Masaafurinayo Iyo Qiimaha Maceeshada

0
502

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare ayaa ka hadlay qisaasta ay Xukuumaddu ku fulisay, ,waxaanu sheegay in qisaasta loo raacay si sharciya oo Diinta Islaamka iyo Dastuurka Qaranka waafaqsan, khaladna ay tahay in wadan ama cid kale wax ka sheegto qisastaas.

1111111111111

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Axmed Faarax Cadare oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan iyo nidaamka cusub ee ay waxa uu yidhi “Ganacsuga iyo maalgashiga iyo waxa ay ku adeeganayaan  Ganacstadu  waa suuqa iyo maceeshada, Wadamada Caalamka qofka soo dajiya si loo faa'iido dadka kale ee ganacstada ah ayuu ku sii wareejiya, arsaaqada ALLE ayaa qaybiya, qofba in buu uga dhigaa, markaas haddii aynu socono soo dajintii, qaybintii kaaryoonihii ilaa tukaanka aynu socono, ma haboona waana laga wanaagsan yahay, ta labaad qaran noqon mayno haddii aanay lacagteenu qiimo yeelan, Xukuumadda amar baa la siiyey in dadkii shaqaalaha ahaa ay Mushaharka ku qaataan lacagta Somaliland, Wadankana waa Somaliland ee Amerika maaha, dollarku maaha lacagteeni waa lacag qalaad, waana in shilinka Somaliland uu dalka ka shaqeeya, sidaas ayey barakadu ku jirtaa, markaas waxa Qaranimadeena ka mid ah inaynu lahaano Calan, Lacag, Xad iyo Astaanteena, lacagta dollarku waa lacag qalaad waxa ay ku fiican tahay marka aynu caalamka wax ka soo iibsanayno inaynu isticmaalno, Wadanka gudihiisana waa inay lacagteenu ka shaqeeysaa”.

Wasiir Cadare ayaa mar uu ka hadlaayey dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan iyo nidaamka cusub ee lagu soo rogay ayaa yidhi “Wali maan arag wadan la iska soo galo oo qofku waxa uu doono sameeyo, maanta haddad is tidhaahdo si sharci daro ah ku gal wadamada aynu jaarka nahay sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, lagaa yeeli maayo inaad sharci daro ku gasho, qofka soo galaya waa inuu ka soo gala Madaarka, Dekada ama Dhulka, qofka soo galayaana waa in la ogaada waxa uu u socdo, oo sharcigiisana la ogaada, Wadamada Calaamkana marka uu qofku tagayo waa inuu sharci ku taga sharcina kaga  baxa,markaas madaama aynu joogno mandaqada isku wareersan waa waajib in la ogaado dadka soo dhex galaya mujtamaca Somaliland iyada oo la ilaalinayo xuquuqul isaankii,waana in la ogaado dadka wadanka soo galaya, waxa ay u socodaan,in sharci lagu soo galaana waa xaq, inagu cidna wadanka ka mamnuuci mayno balse in sharci lagu soo galo, sharcina lagu joogo weeye, oo la ogaado dadka aan wadanka u dhalan ee ku sugan,dadkia sharci ku soo galayaana waa caadi,dadka sharcii darada ku soo galayaana waxa ay caalamka kula dhaqmaan ayeynu kula dhaqmaynaa”

Wasiir Cadare ayaa mar uu ka hadlaayey Qisaastii  ay dhawaan fulisay Xukuumaddu ayaa yidhi “Caalamka Muslim iyo Gaal cid jecel in naf la dilaa ma jirto, Sharciga Wadanka, Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Qaranka in la tixgeliyaa weeye, wadana xeerkiisa iyo dhaqankiisa cid fara galisa ma jirto, cidii leh in wax la dilo ma jeclin waxa aan leeyahay waxa laga hadlayaa waa wax wax dilay, Qaranka Somaliland waa Qaran jira oo Dastuur iyo nidaam leh, tiisa ayuu raacaya cid u digta oo leh waxaas ha yeelin cidina yeeli mayso, anaguba ma faragelin sida ay wadamadu ula dhaqmaan dadkooda, wadan kastana dhaqan iyo nidaam buu leeyahay, haddii naf iyo dadnimo la daynayo  ha laga hadlo dadka diyaaradaha lagu laynayo, naf naf dishay cidii u dooda wey adag tahay, cidina ma difaaci karto, Wadamada Yurub ama Mareykanka iyaga oo aan jecelayn in Boolisku wax dilaan ayaa ninkii wax dhacaayey ee dadka laynaayey wey dilaan,Sharciga islaamka si wax loo badbadiyo waa waajib in qofkii qof dilay la dilo”