Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo La Waydiiyey Waxa Somaliland Ka Faa’idayso Xidhiidhka Dawladda Aan La Aqoonsanayn Ee Taiwan ?

0
622

“Taiwan, waxaanu wadaagnaa waxyaabo badan Oo aanu Shiinuhu lahayn….” Wasiir Kayd.

London (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xidhiidha ay la leedahay Dawladda Taiwan.

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ku sugan Magaalada London, ayaa Waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, wuxuu kaga jawaabay su’aalo laga waydiiyey waxay Somaliland ka faa’idayso Xidhiidhka Taiwan, maaddaama oo ay Taiwan tahay dal aan weli la aqoonsan.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland oo su’aashaa ka jawaabaya, ayaa yidhi “Taiwan waxaanu wadaagnaa waxyaabo faro badan, waxaanu wadaagnaa xorriyadda, Dimuqraadiyadda, Xorriyatul-qawlka Bulshooyinkayaga, Taiwan waxaanu nahay laba Dal aan la aqoonsan, laakiin Taiwan waxay ku jirtaa Dunida horumartay, markaa waxyaabahaa badan ee inoo dhexeeya ee aanu wadaagno oo ay ka mid tahay inaanu wadaagno xorriyadda dhinaca dhaqaalaha, markaa waxyaabo badan baanu wadaagnaa Taiwan, kuwaasi oo aanu Shiinuhu lahayn.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka warramay waxyaabo ay Taiwan ka qabatay Somaliland “Taiwan waxay wax ka qabatay Beeraha, waxay wax ka qabatay Tiknoolajiga, intaa in ka badana inay wax ka qabato waanu filaynaa, markaa waa dal aanu leenahay xidhiidh aad u wanaagsan..”ayuu yidhi.

Xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan, waxa cadhooday Dal-weynaha Shiinaha, waxaanu dagaal siyaasadeed ku furay Somaliland.

Geeska.net/Hargeisa Office