“Wasiirka Arrimaha Dibaddu Xilka Ha Iska Casilo”

0
624

riyo raacHargeysa (Geeska)-Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac), ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrkia ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddani ay mugdi galisay qadiyadii iyo jiritaankii Somaliland, “Wasriirka Wasaaradda Arrimaha Dibada waxa aan ugu baaqayaa inuu xilka Wasiirnimo ee uu hayo iska casilo, si loogu wareejiyo qof kale, maxa yeelay xilkan ma sii wado karo, sababtoo ah waa Wasiirkii hormoodka ka ahaa in arin ay in badan dadka reer Somaliland ku taamayeen Beesha Caalamkuna ay markhaati ka ahayd meesha ka saaaray.”

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda yidhi “Waxa cad in hamigii iyo hiigsigii Shacabka ay Xukuumaddani hoos u dhigtay.Xukuumaddani waxa ay dalka qabsatay iyada oo Somaliland labaatan jirsatay, Wasiirka arrimaha dibaduna waxa uu xilka la wareegay iyada oo 23-jirsatay, waxaana cad in qadiyadii Somaliland gacanta u gashay, kana hadlayaan, maamulayana dad iyagu bartay aqoona u leh sida loo bixiyo mucaawinida iyo sida looga shaqeeyo Ururada, kuwaas oon waxba ka aqoonin dawladnimada iyo waxa ay tahay, iyaga oo markaasna hor fadhiistay lana shiray dad Siyaasada ka yaqaana, oo waxa aan anigu u arkaa in laga badiyey, maxa yeelay waxa aynu ognahay in Dawladda Turkigu ay doonayso midnimada Somaliya, taas oo ay xittaa Xukuumadda Siillaanyo inoo sheegtay, markaas rajadii, hamigii, aqoonsigii iyo qadiyadii Somaliland Xukuumaddani mugdi ayey galisay”.