Hargeysa(Geeska)Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, ayaa sheegay in ay u badan tahay in Maraykanku dhawaan Somaliland aqoonsado, isaga oo sheegay in ay mideeyeen danaha Hargeysa iyo Washington.
Wasiir Bakaal oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha xukuumadda, ayaa sheegay in kadib muddo ka badan 30 sano oo Somaliland ay ictiraaf raadinaysay, uu ugu dambayntii arko iftiinka ictiraafka.
“Socod dheer ayaynu soo galnay, laakiin hadda iftiinkii ictiraafka ayaa inoo muuqda, inyar ayaynu u jirnaa. Waqti yar ayuu qaadanayaa, waan ogahay. Dareenkayguna wuxuu ii sheegayaa oo aan aaminsanahay in uu muddo dhow imanayo,” ayuu yidhi Bakaal.
Waxa uu sheegay in dadaallo aad u badan oo lagu doonayo in Somaliland lagu aqoonsado ay hadda ka socdaan gudaha Maraykanka, isla markaana ay awoodda saareen in ay qanciyaan xildhibaannada golayaasha, maadaama xildhibaanadu ay iyagu siyaasadda hagaan oo ay sameeyaan xidhiidhada.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay joojisay siyaasadii hore ee qaawanayd, oo ay hadda isticmaalayso diblumaasiyad aamusan, isla markaana dhawaan ay hawlo ka wadaan gudaha qaaradda Afrika, kuwaas oo dhawaan la arki doono natiijada waxqabadkooda gudaha qaaradda.
Wuxuu inta ku daray in danaha ugu waaweyn ee Maraykanku Somaliland ka leeyahay ay yihiin iskaashiga amniga iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland ku jira, kuwaas oo labada dhinac ay doonayaan in ay iska kaashadaan, isla markaana madaxdii ka socotay AFRICOM ee dhawaan madaxweynaha la kulmay ay kala hadleen iskaashiga amniga.
Mar wax laga waydiiyay sababta uu Maraykanku wakhtigan u aamini karo Somaliland, ayuu ku jawaabay: “In Somaliland aanay heshiisyada ka bixin ama aanay maskaxdeeda beddelin marka xukuumaduhu is beddelaan, oo xukuumad kasta ay fuliso heshiisyadii xukuumaddii ka horreysay gashay.”
“Danta uu Maraykanku Somaliland ka leeyahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidoo kale danta Somaliland Maraykanka ka leedahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin. Marka waxaannu fahannay in aanu danahayaga mideyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Bakaal.
Somaliland ayaa awoodda saartay sidii ay maamulka Trump ugu qancin lahayd madaxbannaanideeda, halka dowladda Soomaaliyana ay waddo olole lagu hor istaagayo dhaqdhaqaaqyada Somaliland.