Hargeysa(Geeska)-Wasiirka biyaha ee Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa ka digay talaabo uu sheegay inay halis ku tahay nidaamka dawladnimo ee Somaliland oo uu ku eedeeyay agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Somaliland, kuwaas oo uu nuxurkoodu yahay inay qaadan waayeen amarkiisii.
Wasiir Baashe, oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Sool, oo shalay u waramay shabakadda wararka ee Hadhwanaag News, wuxuu xaqiijiyay inuu shaqada ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaaradaas, ka dib markii uu amarkiisa qaadan waayay, waxaanu Wasiir Baashe sheegay in agaasimaha guud isku halaynayo “Reernimo.”. Agaasimaha guud ee wasaaraddaas biyaha Md. Cabdirisaaq Jaamac Naakhuude, ayaa ah masuul dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha bariga Burco ee Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirku wuxuu yidhi “Agaasimaha guud 18 bilood ayaanu wada shaqaynayay 18-kaas biloodba khilaafkaasi wuu jiray, agaasimayaasha wasaaradduna way ka war hayaan, shan goor ayaa la isku kaayo keenay, mar walba waxaanu ku heshiino isagaa ka baxay.” ayuu yidhi Wasiir Baashe, oo intaas raaciyay Kama dambaystii wuxuu gaadhay anoo ku maqnaa diiwaangelintii iyo safaradii bariga, inuu miisaaniyadii wasaaradda ku tallo galo inuu rido, waxa jira riig uu madaxweynuhu dhagax dhigay Cali Ciise wuxuu ku yidhi ninkii qandaraaaslaha ahaa waxaan doonayaa inaan miisaaniyadda rido, isagoon iga fasax qaadan ayuu iska tagay Nayroobi, iyadoo shaqo badani wasaaradda u taalo cidna kaga tagin, waxay noqotay in wasaaradii istaagto, in ceelashii istaagaan, dabadeed waxay noqotay inaan si ku meelgaadha xilka uga joojiyo inta madaxweynuhu cid u soo magacaabayo, nin ka mid ah raggii wsaaradda ayaan agaasime ku meelgaadh ah ugu sii magacaabay si hawshii aanay isu taagin, Nayroobi ayuu iska tagay, wuxuu bilaabay inuu hudheelada ka ugaadhsado oo hay’adii timaada uu kelidii la macaamilo.”
Wasiirka oo arrintan ka sii hadlayaa, wuxuu agaasimaha guud ku eedeeyay inuu isku halaynayo reernimo. “Ninkaas markaan si walba ula hadalnay dadku waxay leeyihiin reernimo ayuu isku halaynayaa oo maaha nin aaminsan in la kala sareeyo oon wasiir ahay.”
Wasiir Baashe oo hadalka sii cadaynayaa wuxuu yidhi “Wuxuu ii arkaa nin aanan wasaaradda xukumin, markaas waxay ila tahay ama wasiiradu waxay noqon doonaan wax dalka u siman ama ninka ay madaxweynaha ilmaadeerka yihiin inuu siduu doono ugu takri falo.”