Wasiir-xigeenkii Qorshaynta Oo Si Rasmi Ah Isu Casilay

0
484

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiir-xigeenkii qorshaynta ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo md. Cabdikariim Axmed Mooge ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu hayay.

Md. Cabdikariim, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku cadeeyay inuu is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.

Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.

Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland.”