Wasiir-xigeenka Khaarajiga Oo La Kulmay Sarkaalka EU Ee Afrika

0
453

Photo

Hargeysa(Geeska)-Wasiir-ku-xigeenka W/Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa la kulmay Agaasimaha qaabilsan arrimaha Afrika ee Xarunta   Midawga Yurub Mudane Koen Versaek. Kulankan oo Wasiir-ku-xigeenka uu ku wehelinayay  Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Belgium Mudane Maxamed Cabdi Dacar halka dhinaca kale Agaasimaha Afrika ee Baarlamaanka Yurub ayla joogeen  madaxda kala ah Dilarde Teilane oo qaabilsan Geeska  iyo Bariga Afrika iyo Pauline Torehall oo qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir-ku-xigeenka W/Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa ugu horayn uga mahadceliyay sida fiican ee Midawga Yurub uga taageero Somaliland dhinacyada dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, mashaariicda waxqabad iyo houmar sida dhinaca biyaha, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), tababarada ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, Berbera Corridor iyo barmaamijyada ku jira qorshaha New Deal (Somaliland Arrangement) guud ahaan.

 Wasiir-ku-xigeenku wuxu warbixin faahfaahsan ka siiyay Midawga Yurub xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, geedi socodka horumar ee wadanka, arrimaha doorashooyinka, kartida iyo garashada wanaagsan ee dadka reer Somaliland u leeyihiin xallinta khilaafaadkasta oo u yimaada iyo hannaanka ku dhisan ka wada hadalka arrimaha khuseeya,  isu tanaasulka, is qancinta iyo ka wada shaqaynta danaha caamka ee dalka jamhuuriyadda Somaliland. Wasiir-ku-xigeenku wuxu u  sheegay in ictiraaf  ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka uu noqon lahaa mid waxweyn ka tara horumar buuxa iyo isku filaansho ay dadka reer Somaliland gaadhaan, isla markaana dan iyo maslaxadi ugu jirto deganaanshaha mandaqadda iyo horumarka gobolka guud ahaan.

 Kulankaas oo qaatay muddo 45 daqiiqo ah ayaa ku soo xidhmay jawi is afgarad iyo is fahan buuxa leh oo masuuliyiinta Midawga Yurub waxbadan uga iftiimiyay arrimaha khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland