Hargeysa(Geeska)- Wasiirka daakhiliga Somaliland ayaa sheegay qorshe lagu adkaynayo ammaanka dalka oo dadka Gaadiidka saaran la weydiinayo kaadhka jinsiyadda haddii ay ajaanib yihiina laga doonayo inay haystaan sharcigooda deganaashaha Somaliland.
Qoraal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ciidammada nabad-gelyadda lagu faray inay bilaabaan hawl-galkan 11-ka Bishan.
Qoraalka ayaa u dhignaa sidan “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Somaliland isaga oo ogsoon in ilaalinta nabad-gelyadu ay tahay ahmiyada koowaad ee qaranka waxa lagama maarmaan ah in aynu adkayno la socodka dhaqdhaqaaqa dadka muwaadiniinta ah iyo kuwa Ajaanibka ah,”ayuu Wasiirku ku yidhi warqada uu soo saaray.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Sidaas awgeed waxaa la bilaabayaa olole lagu baadhayo dadka laguna kala saarayo qofka muwaadinka ah ee sita kaadhka aqoonsiga Dhalashada ama Kaadhka deganaanshaha ajaanibka. waxaanay ciidamada amnigu billaabi doonaan baadhis Iyo In dadka la Joojiyo iyadoo baabuurtana lagu joojin doonaa waddooyinka.”
“Waxaana Dadkaa la weydiin doonaa Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka iyo Kaadhka Degenaanshaha Ajaanibka.Haddaba waxaa la idin farayaa in aad u diyaar garawdaan habeenka Arbacadu soo galayso ee bishu tahay 11/05/2016 iyada oo ay hawshan ka qeyb gali doonaan ciidamada Booliska, waaxda socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL,”ayaa lagu soo gabogabeeyay qoraalka Wasiirka Daakhiliga.
Somaliland ayaa bishii December soo saartay go’aan ka soo baxay shirkii golaha Wasiirrada in dalka laga saaro dadka ajaanibka ah ee sharci darrada ku jooga.