Wasiir Warancade Oo Mar Kale Shirka Doodda Qaran Ku Xidhiidhiyay Qaran Dumis

0
514

waranHargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay shirka Talo-qaran ee xisbiyada Mucaaradka ahi abaabulayaan qabashadiisa, waxaanu sheegay inaan xukuumaddu ogolayn shirkaasi, isaga oo tilmaamay in shirkani dabada ku hayo dad doonaya inay Maseeyaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isaga oo arrimaha oo ka hadlaya ayaa yidhi “Cadawga Somaliland ay leedahay oo ay ugu horeyso dawladda ka dhisan Soomaaliya, uguna horeeyo Madaxwaynahoodu waxay wadaan inay Somaliland ka dhex abuuraan fadqalalo siyaasadeed iyo degenaansho la’aan, sidaasi awgeed waxay dalka gudihiisa ka dhex abuurayaan dad reer Somaliland ah oo ay duufsadeen, loona duufsaday si Macno daro ah si dalkan loogu ekaysiiyo Soomaaliya, waxaynuna ognahay, Soomaaliya waxa halkaa dhigay  waxa gaadhsiiyey muran siyaasadeed iyo mid madaxnimo, markaa in tii lafteedii laga abuuro Somaliland ayaanu xogaha ku haynaa in waliba lagu bixiyey hanti faro badan, tallo badana lagu bixiyey oo laba arrimood u qaybsama, kharbudaad dadka reer Somaliland la iska horkeeno iyo dhinaca siyaasadda oo deganaansho la’aan laga abuuro”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “innagu waxaynu sameysnay si arrimahasi uga baxsano nidaam iyo dastuur, markaa haddii sharcigaasi laga gudbo waxa u suurto galaysa dadka cadawgu  wakiilka  ka soo dhigteen inay ku guulsaytaan inay Somaliland ay la mid noqoto Soomaaliya, laakiin taa ILAAHAY ayeynu ka hoos galnay, waxaynuna nahay dad soo jeeda”

Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde, sii hadlaya ayaa yidhi “Baryahan dambe waxaan maqlayey arrimo aan dalkeena dhaqan u ahayn, oo ah in nidaamkii dawladnimo inta laga boodo la yidhahado waxa la qabanayaa shirweyne qaran ee ha la isugu  yimaado, laakiin annigu arrintaasi waxaan u arkaa inay horseed u tahay dibin daabyo faro badan oo dalka loo Maleegayo, cadowgu siyaabo badan ayuu dadka u adeegsadaa, qofkuna isaga oo aan ogeyn inuu cadowga u adeegayo ayaa laga yaabaa in si dadban loo galiyo wax isaga naftiisa iyo dalkiisaba khatar galinaya, waxaan maqalayey dad ku dhawaaqayey amah ala caqbalo ama yaan la caqbalin ee maalin heblaayo ayaanu fawdo qabanayna ama maalin heblaayo ayaanu talo-qaran qabanaynaa, arrintaasi waxay bilow u tahay fowdo, fawdadaasina waxay ku koobnan doonta cidda ka masuul ah ee ku kacda, dawladduna iyada u xilsaaran in cid kasta oo fawdo iyo sharci jabin ka wada in ay ka qabto cid kastuu yahay iyo derajo kasta oo uu leeyahay, markaa waxaan leeyahay dawladda JSL maaha dawlad cabudhinaysa xoriyadda hadalka, mana aha dawlad caddaadinaysa siyaasiyiinteeda , mana aha dawlad diidan in talo la siiyo, ragga odayaasha ee shirka Talo-qaran ka hadlaya waxaan ugu baaqayaa inay arrintu siday tahay u waajahaan, xisbiyada Mucaaradka ahi haddii ay talo hayaana waanu ogol nahay inay habkii sharciga ahaa ay noola yimaadaan, laakiin waxaan marnaba dhici Karin wax fowdo ah inay cidi samayso” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shacabkeenu Maanta uma baahna khalkhal, dalkuna uma baahan, cadow badan baynu leenahay, haddii aanay jirin  cid u adeegaysa cadowgaa aan sheegay, oo runtii aan sheegay haddii ay sii socoto inaan daaha ka qaado faylasha aan hayo iyo dadka Magacyadooda aan hayo ee ku jira fadqalalada Somaliland lala maagan yahay.”