Burco(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade oo ay wehelinayaan Wasiir dawlayaasha maaliyadda iyo waxbarashadda ayaa shalay kulan lagaga hadlaayay xoojinta amniga Burco iyo ka hortaga Aafadda qabyaaladda oo gobolkaasi saameyn ku haysa la yeeshay Cuqaasha ,Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka reer Burco.
Sida uu ku soo waramayo weriyaha Geeska Afrika ee Togdheer Mahad Faarax, Wasiirka daakhiliga iyo xubnihii la socday ee kulankan ka qaybgalay ayaa ku soo bandhigay qodobo ku saabsan ,mudaharaadadii iyo Khilaafkii ciyaaraha ee magaaladda Burco ,kuwaasi oo ay waxgaradka iyo odayaasha usoo jeediyeen in ay bulshadda ka wacyigaliyaan isla markaana is dhexgalkooda ka shaqeeyaan . " Runtii waxyaabaha Burco ka jira waxa ka mid ah in taladii waxgaradkii magaalada ka wareegtay oo ay gacanta u gashay ,dhalinyaro yar yar iyo dad aan waxgarad ahayn ,taasina waxay sababtay in maalinkasta buuq iyo qaylo ka soo yeedho magaalada Burco ,ilaa maalintii ciyaaraha iyo dhawr jeer oo ka danbeeyay Burco waxa ka soo yeedhay waxyaabo aad u foolxun oo aan magaaladan laga filaynin, manaan filayn in ardaydiinii iyo caruurtiinii isboortigu noqdaan kuwo qabyaalad isku haya markaa waxa looga baahanyahay cuqaasha iyo waxgaradka magaaladu in ay dhalinyarada waxyaabahaasi ka wacyigaliyaan oo ay ka shaqeeyaan isku xidhkooda iyo xoojinta nabada. Wax alaale wax shacabka ka dhexeeya oo ay isku hayaana ma jiraan ,dadku wax way taban karaan laakiin wixii tabasho ah in Dawladda loo soo bandhigo ayaad xaq u leedihiin in la kala shakiyaana meesha ma taalo " Sidaasi ayuu wasiirku yidhi.
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah mada-dhaqameedka reer Burco.
Waxaaney madax-dhaqameedkii halkaasi ka hadlay Khilaafka ciyaaraha ee gobolka iyo mudaharaadadii magaalada Burco ka dhacay ku eedeeyeen Xukuumadda taasi oo ay ku tilmaameen in ay qayb ka ahayd isla markaana looga fadhiyo in ay kaalin ka qaataan sidii waxyaabahaasi looga hortagi lahaa.