“Wasiir Walba Marka Uu Ka Dhamaado Wakhtigu Agaasimaha Ka Hooseeya Xilka Ha U Tiriyo”

0
608

Picture1

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Muj:Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay in xukuumada hada talada dalka haysa ee Kulmiye ay si fiican u gudan wayday hawlihii shaqo ee ay qaranka u haysay, waxaana uu tilmaamay in muddii afarta sano ahayd ee xukuumada Kulmiye dalka ka talinaysay dhinaca bari ee Somaliland ka socdeen dagaalo aad u badani, halka sida oo kalena dhanka galbeedka isna ay ka taagnayd xaalad aad u adagi, isaga oo carabka ku adkeeyey in maadaama ay gudan waayeen xilkii ay umadda u hayeen ay danbi tahay in lagu sii eegto in ay dalka ka taliyaan.

Muj:Xasan Guure Jaamac, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka hadlaayey ka dib kulan albaabadu u xidhnaayeen oo warbaahinta ay kula hadleen hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.“Maalmahanba waxaa jirtay is waraysi iyo wada tashi laga leeyahay xaaladda wadanka, waynu ognahay halka ay marayso xaaladda dalku, Somaliland waxay ka kooban tahay dhexda iyo labada dacal, waxaynu ognahay labadii dacal waxa ka dhacaya Afartii sanno ee dawladdani joogtayba, bariga dagaal baa ka socday, galbeedkana dhawrkii bilood ee inna dhaafay xaaladda ka taagan waynu ognahay, haddaan wax laga qabanna halkay ku biyo shubayso waynu Ognahay,qolyo wasiiro ah oo istirin-tircinaya oo leh waxaas la qaban maayana waan arkayay, in waxaas la qabto iyo in aan la qaban waxay ku xidhan tahay in xilkiina aad gudataan iyo in aydaan gudan, waxaana muuqata in aad gudan waydeen. Haddaa gudan waydeena in la idinku eegaa umadda ayaa dambi laga galayaa oo dambiga aad leedihiin ayaa la idin la galayaa.”.Ayuu yidhi Mudane Xasan Guure.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Muj:Xasan Guure Jaamac, waxaa uu sida oo kale uu ugu baaqay wasiirada hada xilka ka haya xukuumada Siilaanyo in ay xilka iska wareejiyaan  marka laga gaadho 26da Juun.“Waxaad moodaa in uu ku jawaabayo maskaxdii Siyaad Barre ee uu ku barbaaray, xukunka Umadda leh ee isagu ma leh, isagu waa Shaqaale oo lama dooran, isaga iyo madaxtooyaduba ka dinkay ka baxayaan markay dhamaato xilkii umaddu saartay ee ku ee kaa 26ka June, waana inuu wakhtigaasi joogo madaxweyne xilka lagu wareejiyo, haddii Madaxweynuhu dhamayn waayay qorshihii doorashada dadkaa qabanaya ee dadku yaanay ka diidin dawladdu way tegaysaa, cidda tegaysaa waa ciddii la doortay ee wakhtigu ka dhamaaday. dawladdu waxay u qaybsan tahay shaqaale qaranka u shaqeeya iyo goleyaal la doortay oo wakhti leh, xiligooda inay dhaaftana aanay ahayn, dadka xukuumada u shaqeeya waxaa u sareeya Agaasimaha guud, dhamaantood waa ay joogayaan, nin waliba marka uu ka dhamaado wakhtigu agaasimaha ka hooseeya uun xilka ha u tiriyo” ayuu yidhi Mudane Xasan Guure.