Wasiir Samsam Oo Bilowday Olole Cashuur Ururin Ah

0
614

Picture4Hargeysa(Geeska):-Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in dagaalada ka socda dalka Yeman ay saamayn ku yeelanayaan heerkii dakhli ururineed ee odoroska miisaaniyada 2015ka hore loogu sameeyey in ay soo xerooto lacag gaadhaysa 251Million oo dollar, waxaana ay sheegtay in ay sabab u tahay dagaalada socda awgeed oo xanibi kara isu socodkii labada dhinac oo ay cashuuro aad u badani ka soo xeroon jireen.

Marwo:Samsam Cabdi Aadan, ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaysay magaalada Barbera oo ay socdaal shaqo ku joogtay, waxaana ay ku dhawaaqday in la bilaabayo olale lagu ururinaayo cashuurihii baaqday ee bariga.

"Waxaa maanta bilaabmaya olale cashuur ururineed oo ka bilaabmaya wadanka oo dhan, mas'uuliyiinta maaliyaduna ay wadaan isuna qaybiyeen, annaguna illaa bariga iyo Saaxil oo xuduntii ah illaa Togdheer, Sool iyo sanaag ah, koox ayaanu ku wada soconaa waanu isku qaybinaynaa halka xagii maroodijeexna ay wasiiru dawlihii, wasiir ku xigeenkii iyo agaasimahii ayaa hogaaminaaya olalaha cashuureed, galbeedkana waxaa u kacaaya agaasimihii guud oo isaguna wata mas'uuliyiintii wasaarada maaliyada oo illaa Salel,Awdal iyo Gabiley gaadhaya, marka waa in dadkeena aynu ku baraarujino duruufaha qalafsan ee ka jira deegaanka inoo dhow aynu innagu guntiga dhiisha iskaga dhigno, waayo Somaliland waxa ay halkaas ku soo gaadhay waa iyada ayaa isku tashatay isku tashigii ayuunbaynu imikana sii xoojinaynaa, waxaynu doonaynaa dadkeena in aynaan dhibin laakiin aynu barno in qofku cashuurta iska bixiyo si waxan uu qabanayaa ay xalaal ugu noqdaan.".Ayey tidhi Marwo:Samsam Cabdi Aadan.

Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan, ayaa sida oo kale waxaa ay ka hadashay aragtideeda ku aadan in cashuur ururinta ay samaynayaan ay si fiican u gaadhi doonto odoraskii miisaaniyada ee 2015ka oo wasiirkii hore ee maaliyadu uu saadaaliyey in ay soo xerooto lacag dhan 251Million oo doollar.

"Si fiican ayey u gaadhaysaa miisaaniyadu odoraskii la sameeyey, waana ay dhici jirtay in mar walba olole la sameeyo, wakhtiga kala wareega ah ee Laba wasiir kala wareegayaana had iyo jeer waa ay fiican tahay in dar dar galin la sameeyo, markaa waa dar dargalintaa caadiga ah wax humaaga oo soo galay ma jiraan intaa Yeman mooyaane oo iyana dee kolay dakhli inooga soo gali jiray waxna inooga dhoofi jireen, waana ay saamaynaysaa, laakiin sidii loogu talo galay ayey wax u socdaan.".Ayey tidhi Marwo:Samsam Cabdi Aadan.