Wasiir Sacad Oo Sheegay In La joogo Wakhtigii La Aqoonsan Lahaa Qaddiyadda Somaliland

0
609

Picture4Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa uu sheegay in hadda la joogo wakhtigii Somaliland ay aqoonsi ka heli lahayd Beesha Caalamka, waxaanu tilmaamay inay Somaliland buuxisay dhammaan Shuruudihii looga baahnaa dawlad, isla markaana ay taariikh fac weyn leedahay, intii aanay la midoobin Somaliyana aqoonsi haysatay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu sheegay in sharci ahaan aanu Aqoonsigu Somaliland kaga maqnayn balse Siyaasad ahaan uu kaga maqan yahay, waxaanu tilmaamay inay hadda Caalamku sidii dawlad la aqoonsan yahay ula macaamilaan, waxaanu ugu horayn Wasiirku hadalkiisi ku bilaabay  "Shuruudihii dawladnimo mar hore ayeynu buuxinay, shuruudaha aqoonsiguna waa shardiyo, waxaana shardiyadaas ka mid ah  inuu Wadanku leeyahay xad sugan, inuu leeyahay dawlad la isku waafaqsan yahay,  inuu leeyahay dal sugan, aqoonsiguna sharci ahaan inagagama maqana ee siyaasad ahaan ayuu inagaga maqan yahay.

Wadanka Somaliland waa Wadan taariikh ku leh caalamka, oo Wadankii guumaysanayey ee Ingiriiska ka qaatay xornimo 1960-kii,Somaliland  iyada oo markaas xor ah oo madax banaan ayaa xamaasadii markaas jirtay awgeed ayey Somaliya la midoowday, balse markiiba wey ka biyo diiday oo aftidii la qaaday 1961-kii, bishii lixaad, aftidadaas Somaliland wey diidanayd isku darsigii iyo midawga ay la midawday Somaliya ,  Sannadkii 1991-kiina weynagii goosanay, oo dawlad madax banaan ayey noqonay, 2001-dii, waa tii haddana afti loo qaaday Dastuurka iyo ka go'a aynu ka go'anay Somalia, waa tii boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%), aynu u codeynay inay madax banaano oo aynu noqono Dawlad iskeed u taagan".

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey Shuruudaha ay Somaliland buuxisay ee ay kaga mid noqon karto Wadamada Caalamka ayaa yidhi "Waxaynu nahay Wadan degan,  oo Dimuqraadiya, oo Madaxweyne la doortay leh, oo Barlaman la doortay leh, oo Golayaal Deegaan oo la doortay leh, oo  Doorashooyin xor iyo xalaal ah laga qabtay, oo Axsaab leh, oo Madaxweynahooda loo soo dhaweeyo sida Madaxweynahayaasha, oo Wadamo ajinabi ahi ay Xafiisyo ku leeyihiin Wadanka,  halka ay Somaliland Wadamo badan ay Xafiisyo ku leedahay, Caalamka la ganacsada, Caalamku la tashado, si gaar ah wax loo siiyo, Sanduuqa Horumarka Somaliland (SDF), leh, waxaas oo shuruudo ah ayey Somaliland buuxisay, oo aanay buuxin wadamo badan oo la ictiraafsan yahay, waxaana la soo gaadhay xilligii la ictiraafi lahaa Somaliland"

Dhanka kale waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadu Sacad Cali Shire tacsi u diray Ehelkii, Qarabadii, Asxaabtii iyo Umadda reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Marxuum Axmed Xasan Cawke.