Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Xafiiska ay Dawladda Kenya sheegtay inay Somaliland ka furaynayso ee hoos tagaya xafiiskeeda Muqdisho, waxaanu Wasiirku sheegay inay Dawladda Kenya isku ogaayeen xafiiska ay Somaliland ka furanayso, balse ilaa hadda aanay soo sheegin faah faahin ku saabsan Xafiiskan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale wuxuu jawaab ka bixiyey eeddo uga yimid Mucaaradka oo ku saabsan safarkii ay isaga iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ku tageen dalka Turkiga, kuna saabsanaa bilowga wada hadalada, kaas oo ay siyaasiyiin mucaarad ah iyo bulsho badani aad u dhaliileen.
Wasiir Sacad, wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay, kaas oo sidan u dhacay.
Wasiir maalmo kooban ka hor waxaad ka timid dalka Kenya, adigoo la soo kulmay wasiirkooda arrimaha dibadda, waxaanay hadda Dawladda Kenya sheegtay inay Xafiis hoos yimaada safaaradooda Muqdisho ka furan doonto magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa? Arrintaas ka waran bal?
Dalka Kenya waxaanu ka furanay Xafiis, oo Xafiis ayeynu ku leenahay, anaga ayaana ka codsanay inay Somaliland xafiis ka furtaan, waanan isku ogeyn, laakiin warkan ah inay Somaliland ka furanayso Xafiis hoos taga Safaaradooda Muqdisho ilaa hadda Dawladda Kenya kama hayno, noomay soo sheegina, ilaa haddana wax aanu ka odhan karnaa ma jirto, marka warkan ay Dawladda Kenya noo sheegto ayaanu wax ka odhan karnaa.
Somaliland waxa imika xafiisyo ku leh Dawladdaha Itoobiya iyo Turkiga, cilaaqaad, macaamil iyo xidhiidh aad u wanaagsan ayaa naga dhexeeya, waxaanan doonaynaa in dawlad walba oo danta Somaliland wada xidhiidh fiican la yeelano.
Waxaad dhawaan dalka Turkigu ugu baxdeen safar aydaan markii hore sii shaacin, waxaana dhaliilo badani idinka yimadeen Mucaaradka, markaas maxa sababay inaad ujeedada safarkiina aydaan sii sheegin?
Daruuri maaha, qasabna maaha in mar walba oo Wadan loo baxay, ama hawl la qabanayo in la sheego, wax la qariyaana may jirinba, oo waa anagii sheegay, warbaahintana ka sheegnay, laakiin in wax walba qiil laga dhigto, oo la dhaliilo ma haboona.
Somaliland way 25 jirsatay, ilaa haddana aqoonsi caalamiya may helin, maxaa hor taagan aqoonsiga ayaad is leedahay?
Waa dhab oo Somaliland rubuc qarni ayaa laga jooga markii ay dib ula soo laabatay madax banaanideedii iyo xoriyadii ay iska lumisay, sidaas oo ay tahayna dadaal badan ayeynu qabanay, dalkeena waxaynu yeelanay Dastuur inoo gaar ah, Dimuqraadiyada iyo hanaanka Xisbiyada badan ayaa ka hirgalay, Doorashooyin xor ah ayaa ka dhacay, Shuruudihii dawladnimo looga baahnaana weynu buuxinay, dhabihii aqoonsigana weynu haynaa, lagamana yaabo inaynu dib halkaas aynu maanta marayno uga noqono, Aqoonsiguna wuu iska iman doonaa.
Ta kale maalmo ayaa ka hadhsan xuskii 18-may, waxaanan Bulsho weynta reer Somaliland meel kasta oo ay joogto ku dhiirigelinayaa, oo aan leeyahay muujiya Maalinta xuska 18-may muwaadinimadiina, qaranimadiina, wadan kasta oo aad joogtaana ku soo bandhiga qadiyadiina Somaliland.
Maalmaha soo socda waxa markii shanaad loo caleemi saari doonaa xilka Madaxweyne ee dalka Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Somaliland wuu ka qayb galaya ee sidaad u aragtaa?
Marka hore Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waan ku hambalyeynayaa inuu ku guulaysto xilka Madaxweyne ee loo doortay, waxaana xaqiiqo ah in dalka Jabuuti markii uu qabsaday iyo halka ay maanta marayso ay aad u kala fog yihin, horumar balaadhan ayuu gaadhsiiyey, waxaana Todobaadka dambe haddii Rabi ogolaado xafladiisa dhaarta iyo caleema saarka ka qayb gali doonaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaana Dawlaldda iyo Dadka Jabuuti inaga dhexeeya walaaltinimo, wanaag iyo xidhiidh fac weyn oo soo jireen ah, waxaana ku rajo weynahay in xidhiidhkaasi wuu halkaas ka sii socdo.
Diiwaangelintii Doorashada ee Gobolka Maroodi-jeex gaabis badan ayaa ka muuqda,markaas maxaad bulshada ugu baaqi lahayd?
In qofku iska fadhiyo, oo uu iska lumiyo ama uu dayaco furadii uu ku codeyn lahaa maaha, ee waxaan kula talinayaa Bulshada inay kaadhka Diiwaangelinta ee ay hadhaw ku codeyn karaan qaataan, si ay u helaan xuquuqda muwaadiniinta codkooda dhiibanaya.
Dhawaan waxa tahriib ku dhintay dhalinyaradii ugu badnayd ee reer Somaliland, markaas ma la odhan karaa shaqo la’aan ayey dhalinyaradu dalka uga tagayaan?
Arsaaqada ALLE ayaa haya, qof kastaana waxa uu tabco ayuu helayaa, lamana odhan karo shaqo la’aan ayey dhalinyaradu u tahriibayaan oo ay dalka uga tagayaan, oo lacagta ay ku tahriibayaan ayaaba ah lacag aad u badan oo ay ku shaqeeysan karaan kuna abuuri karaan shaqo abuur, intay u tahriibi lahaayeen wadamo ay dhalinyaradadoodu horumar gaadhsiiyeen, waxa uga qurux badan inay dalkooda xamilaan, oo aanay ka tahriibin oo ay la joogaan dawladooda, waalidkooda, asxaabtooda iyo ehelkooda, waxaana ALLE uga baryayaa dhalinyaradii inuu Jannadii ka waraabiyo.