Wasiir Sacad Cali Oo Addis Ababa Kula Kulmay Dhiggiisa Itoobiya

0
520

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire, ayaa markii u horaysay tan iyo markii sannadkii hore xilka loo magacaabay, wuxuu Jimcihii kulan la yeeshay dhiggiisa arrimaha dibadda ee Itoobiya Mr. Tedros Adhenom.

2

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay kulankaas, waxaanay qoraalkeeda ku tidhi, “Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland Dr Sacad Ali Shire oo lakulmay dhigiisa Dalka Itoobiya Mr. Tedros Adhenom, oo ku qaabiley xarunta Wasaarada Arrimaha debada Dalka Itoobiya ayaa ku salaysnaa sii xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo wax barashada.

ugu horeyn Wasiir Sacad waxa uu kala hadlay dhigiisa Mr. Tedros, qadiyada madax bannaanida  somaliland iyo sidii loo horgayn lahaa ururka midowga afrika (AU) iyo  sidii loo  dhamaystiri lahaa, islamarkaana loo dhaqan galin lahaa  heshiiskii ganacsi ee udhexeeyay labada dal.

labada wasiir oo kulankani  ahaa  kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan tan iyo intii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland HE. Ahmed Mohamed Mahamoud Siilanyo, uu u magacaabay Dr. Sacad Ali Shire Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland, ayaa Wasiir Sacad xog ka siiyay, Wasiir Mr. Tedros sida ay Somaliland doorasho uga qabsoomi doonto sannada fooda inagu soo haysa ee 2017.

ugu danbayntii waxay labada dhinac isla egeen dhamaystirka mashruuca berbera coridor ee isku xidha wajaale iyo berbera.

wasiirka arrimaha debada  somaliland  Dr. Sacad Ali Shire waxa uu madaxda Itoobiya ugu mahad celiyay deeq wasxbarasho oo dhan 115 arday oo dawlada Itoobiya  ay ugu deeqday dawlada Somaliland.”