Hargeysa(Geeska)-Wasiirka cusub ee qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa shalay xilkii si rami ah ugala wareegay wasiirkii hore Cali Salaan Jirde.
Munaasibad xil wareejin ah oo loo sameeyay, ayaa waxa uu wasiirka cusubi shalay kula wareegay xilkii wasaaradaas oo toddobaadkii hore loo magacaabay. Madax, siyaasiyiin, salaadiin iyo aqoonyahano madashii xil wareejinta hadal ka jeediyay ayaa wasiirka cusub Alle uga baryay inuu xilka u fududeeyo.
Wasiir Maxamed, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono horumarka dalka ee loo xilsaaray iyo weliba inuu kaga dhabayn doono hiigsiga Somaliland ee dhinacyada la dagaalanka faqriga iyo gaajada.
Wasiir Qabo, ayaa hore u ahaa badhasaabka gobalka Togdheer, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore u magacaabay xilkan cusub ee wasiirnimo.