Wasiir-Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Oo Shir Caalami Ah Kaga Qaybgalay Dalka Holland

0
552

Picture2

Hargeysa(Geeska)-Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa ka qaybgalay shir caalami ah oo lagaga hadlayay aqoonyahanka qurbajoogga ah ee dalka ugu soo noqda inay xirfadooda aqooneed ugu shaqeeyaan oo hay’adda Socdaalka Caalamiga ah IOM Netherlands ay kala shaqayso dawlado badan oo jaalliyado ku leh dalka Holand iyo/ama wadamada Midawga Yurub.

Shirkan oo ka furmay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Netherlands, kana soo qaybgaleen khubaro maxalli iyo caalamiba isugu jira, xirfadleyaal tiro badan oo qurbajoog ah, hay’adaha ku shaqada leh xidhiidhka jaalliyadaha iyo masuuliyiin ka socotay sagaal wadan oo ay ku jirto Somaliland ayay ujeedada loo qabtay ku saabsantahay in lagu gorfeeyo Mashruuca Soo Celinta Ku Meelgaadhka ah ee Xirfadleyaasha Wadaniga ah (Temporary Return of Qualified Nationals) oo Hay’adda Socdaalka ee IOM Netherlands ay caawiso wadamo kala duwan, saamaynta togan ee mashruucas, wakhtiga loogu talo galay iyo in la dhiirrigeliyo sidii aqoonyahanka xirfadleyaasha qurbajooggu ugu gudbin lahaayeen aqoonta iyo waaya aragnimada ay leeyihiin qaramada ay u dhasheen.

 Muwaadiniinta aqoonyahanka qurbajooga ah ee Somaliland ee qaybta ka ah mashruucan ayaa illaa sannadihii u dambeeyay soo kordhayay iyagoo mihnado shaqo oo kala duwan kaga hawlgala Hay’adaha kala duwan ee dawlada JSL.

 Hay’adda IOM Netherlands waxay kala shaqaysaa mashruucan sagaal wadan oo Somaliland iyo Somaliya ku jiraan iyo Afganistan, Armenia, Cape Verde, Georgia, Ghana, Iraq, Moroco iyo Sudan kuwaasoo isu gayntooda dib ugu noqdeen 800 aqoonyahan qurbajoog .