Wasiir Kaahin Oo U Jawaabay Murashixii Madaxweyne-Xigeen Ee Waddani

0
825

Berbera(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cali u tilmaamay inuu jabhad samaysto oo uu galo buurta Gacan libaax oo lagu dhuumalaysan karo sida uu sheegay.

Wasiirka arimaha  gudaha oo arimaha nabadgalyada u qaabilsan xukuumada madaxweyne Biixi ayaa ku nux nuxsaday inuu musharax ku xigeenkan u tilmaamaayo buurta halka uu ka gali lahaa, xili Somaliland aanay wali maarayn jabhada Caare oo buuraha Sanaag ku jirta, waxaanu isaga oo ka hadlaayay ciidamada bada xaflad loo qabtay oo Berbera ka qabsoontay uu wasiirku yidhi  “ Markaanu lafaruug joognay ee aan maqrib tukanaynay musharaxii madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Waddani ee lahaa jabhaduu waa danteena ayaa markii aanu misaajidka ku tukanaynay nagula tukaday tilmaan ayaan is lahaa aad siisid dabadeedna nin ayaa na helay aniga iyo Janaraalka iyo kornaylka oo aanu ku yara mashquulanay, waxaan is lahaa waadigii musharaxa madaxweyne ku xigeenka ahaaye hadaad u haysato inay horumar tahay jabhadu buurtii ugu weynayd ee laga  jabhadayn karaayay waa gacan libaax oo waata halkaas inagu soo fadhidee ee iyada gal,  halkii laga galaayayna waataase anigaa kuu tilmaamayee gal, arimaha qaar waxaanu leenahay Somaliland dan uguma jirto nabadgalyo darada ma danbaa ku jirta inaan kala googono ma danbaa ku jirta, mucaaradna waan u baahanay oo dastuurkeena ayay ku qorantahay nidaamka iyo sharciga la raacayo ayaa ku qoran oo waxa ku qoran dalka waxa lagu maamulayaa nidaamka xisbiyada badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here