Wasiir Kaahin Oo Isku-diyaariyey Xilka Guddoomiye-nimo Ee KULMIYE, Aragtiisa Xildhibaannada Mucaaradka Uga Soo Baxay Degaankiisa & Wada-hadal Dhex Mara M. Xaashi

0
482

“Xildhibaannada Xisbiyada Kale Ka Soo Baxay, Waxa Ka Mid Ah Dad Kulmiye Ah, Dadkaasi Weel Ahaan Iyo Mansab Ahaanbay U Isticmaaleen (Xisbiyada Mucaaradka Ah)..”

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay hankiisa siyaasadeed ee Mustaqbalka, gaar ahaan Guddoomiye-nimada Xisbigaasi.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo bandhigay Hankiisa, waxaanu sheegay inuu Musharrax u yahay Guddoomiye-nimada xisbiga Kulmiye oo uu hadda hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu caddeeyay inuu diyaar u yahay in Cid kale ku tartanto.

Wasiir Kaahin oo lagu waraystay Barnaamijka Hal-adayg ee ka baxa Telefiishanka HCTV, ayaa ugu horrayn ka jawaabay su’aal laga waydiiyey Hankiisa Musharraxnimo ee Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE ayaa yidhi  “Wax dhibaato ahi kuma jiraan, waan u caddaynayaa (Shacabka) inaan (Musharrax u ahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE)…”

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo la waydiiyey inuu doonayo in Xisbiga lagu wareejiyo iyo in lagula tartamo ayaa ku jawaabay “KULMIYE waa Xisbi Dimuqraadi, in lagu tartamo (Guddoomiyenimada Xisbigana) maaha xaalad dhibaato ku haysa Xisbiga, waana xaalad Sharciyaddiisu ogogashay, qaababkana xisbiga Kulmiye hore wuu u soo maray, wixii intaa ka dambeeyana wixii sharciyaddiisu ay dhigayso iyo dimuqraadiyaddiisu Cidna ma mabnuuci mayso (in lagu tartamo), dariiqyadii uu marayna waa kuwa imikana lagama maarmaan ah in la maro, Anigu cidna kama hor-joogo oo la ii afduubi maayo, Cidna ma diiddani, ciddii doonaysaana inay isa sharaxdo Xor iyo xaq bay u leedahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka jawaabay su’aal nuxurkeedu ahaa in xilligan uu Musharrax u yahay Guddoomiye-nimada Xisbiga iyo inuu Musharraxnimada Madaxweynahana uu Musharrax yahay  “Xisbigu wuxuu leeyahay Nidaam, Sharci iyo Hanaan Dimuqraadiyadeed oo uu ku dhaqmo ayuu leeyahay, imika waxaynu ka hadlaynaa waa Guddoomiyaha Xisbiga, Xilliga la gaadho Musharraxa Madaxweynuhuna wakhtigeeda ayay yeelanaysaa.”

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu sheegay inaan Xisbiga Kulmiye isaga u afduubnayn, sidaasi darteedna Cid kastaa kula tartami karto Guddoomiye-nimada Xisbiga “Xisbiga KULMIYE Nina uma afduubna, Anigana Cidna ogolaansho la iigama doonayo, Cid Alaale iyo Ciddii Han lihi Xisbiga gudihiisa way uga fasaxan tahay (inay u tartanto Guddoomiye-nimada Xisbiga), Xeerarkiisana way ku qoran tahay, Aniguna Cid aan diidayo iyo Cid aan ka hor taaganahay ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Dadka Kulmiye ka mid ah ee xilligan dibedda ka jooga iyo inay diyaar u yihiin inay Wada-hadal la furaan Siyaasiyiinta uu Maxamuud Xaashi Cabdi ka mid yahay “Sida xisbiyada kaleba ka dhacda, Kulmiye kuma cusba in Dad Kulmiye ka mid ah ay yidhaahdaan waanu ka baxnay Kulmiye, inkasta oo uu Xisbiyada ugu yar uu ka mid yahay (ee Dadku ka baxaan), markaa Ciddii ku gali kari wayda Siyaasadda Kulmiye inay ka baxdo Xisbiga iyaga ayay jirtaa, Dadka Kulmiye ku qanacsanina way badan yihiin, markaa Ciddii Kulmiye ahina waa Kulmiye, Ciddii Kulmiye ka baxdayna way ka baxday, markaa kooxo Kulmiye aqoonsan yahay oo Kulmiye bannaanka ka joogaana ma jiraan, shaqsiyaad Kulmiye ahina hadday ka baxaan waa xuquuq ay leeyihiin oo Kulmiye dhib kuma hayaan, markaa wax dhib ah oo hadda arrintaa ka jiraa ma jirto.”

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE oo la waydiiyey in Sanadihii u dambeeyay aanay isku wanaagsanayn dadka deegaankiisa iyo Xisbiga Kulmiye iyo inay arrintaasi u muuqato, ayaa ku jawaabay “Deegaanka aan Anigu ka soo jeedaa waa Dadkii Xisbiga Kulmiye aasaasay, sidii baanay ugu negi yihiin xisbiga Kulmiye, Shaqsiyaad hadday Kulmiye ku geli kari waayeen ama damac ka leeyihiina Xoqxoqashadoodu ma saamaynayso deegaanka aynu ka hadlayno oo sidii bay Kulmiye u yihiin, shaqsiyaad ka tagaana maaha shaqsiyaad uu deegaanku jeebka ugu jiray, Nin walbana Ciddii ka raacdana waalla arki doonaa, waa deegaan Kulmiye ah, aqlabiyad buu ka ahaa, Maantana aqlabiyad ayuu ku yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha in Doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada lagaga adkaaday Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan deegaanka uu isagu ka soo jeedo “Doorashadii aynu soo dhaafnay waxay ahayd doorashadii Goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka, haddii aad eegto shaqsiyaadka deegaankaas ah ee soo baxay waa Kulmiye, Ragga ka soo baxay deegaankaasi ma jiro Qof xisbi kale ka soo galay ee waa KULMIYE, laakiin Ragga kale ee Xisbiyada kale ka soo baxay Dad Kulmiye ahbaa ka mid ah, Dadkaasi Weel ahaan iyo Mansab ahaanbay u isticmaaleen ee Xisbi ay ka tirsanaayeen kamay soo bixin..”

Wasiirka oo Telefiishanka HCTV waydiiyey in taageerada Dadka deegaankiisa ee KULMIYE ay wiiqmi karto haddii siyaasi ay isku deegaan isaga yihiin uu Xisbi kale Guddoomiye ka noqdo, ayaa si kooban ugu jawaabay “Berigay ka noqdaan baa la arki, laakiin imika kama aha.”

Ugu dambayn, Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo la waydiiyey inuu Da’ ahaan Madaxweyne-nimo u tartami karo doorashada Madaxtooyada ee ka dambaysa doorashada 2022-ka qorshaysan, ayaa ku jawaabay  “Da’ imika dib ii celisa oo aan idhaahdo ma ordi karaysid ma joogo..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office