Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Idaacad FM Ah Oo Hargeysa Laga Dhagaysto

0
552

cuskue

Hargeysa(Geeska):-Guddida Arrimaha Bulshada Golaha Wakiilada Somaliand ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md:Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse).

Kulankan xog-wareysiga ah oo ahaa mid ay warbaahintu ay dibad ka joog ka ahayd ayaa  markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyey guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada golaha Wakiilada Somaliland Md:Xasan Cawaale Caynaan waxaana uu sheegay in ay ka xogwaraysteen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan,waxaana uu carabka ku dhuftay ay wax ka waydiiyeen qaar kamid ah Wargeysyo banaan oo ka soo bixi jiray gudaha Magaalada Hargeysa oo ay xukuumadu xidhay,

"Waxaanu ka xogwaraysanay hawlaha shaqo ee Wasaarada ee ay qarankan u hayaan si fiicana waa ay noogu xogwarameen,Waxaanu wax ka waydiinay Wargeysyada xidhan maadaama ay iyaga ay hoos yimaadaan,waxaana uu noogu jawaabay anagu ka ma haysano laakiin maxkamada ayaa haysata markaa su'aalo kale oo far-badana waanu waydiinay sidaasna waa ay noogu dhamaatay"Ayuu yidhi Md:Xasan Cawaale Caynaan

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md:Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:"Guddigu waxaa ay naga dhagaysteen wax qabadka Wasaarada,waxaa ay na waydiiyeen Su'aalo badan,dhamaantoodna waanu isaga jawaabnay,waxaanu guud ahaan aanu ka wada hadalnay uun hawlaha Wasaarada iyo sidii ay Xogogaal ugu noqon lahaayeen waxqabadka Wasaarada iyo heerarka ay marayaan,waana uu noo dhamaaday oo warbixintii oo qoraal ah iyo Warbixintii oo af ahba waanu u gudbinay iyo waliba su'aalo waxii ah oo ay na waydiiyeen oo aanu uga jawaabnay".

Md:Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa sida oo kale waxaa ay warbaahintu wax ka waydiisay Idaacad muddooyinkii danbe oo dhan laga dhagaysanaayey Hargeysa iyo na waaxigeeda,waxaana uu sheegay in ay wali ku daba jiraan Idaacadaasi oo aanay wali si rasmi ah aanay u helin meesha ay ku taalo.

"Idaacadaas waan ka maqlay dhawr qof oo kale oo sheegaya,maaha Idaacad wayn oo muhiim ah oo meelo fara badan laga maqlay,waa Idaacad xaafadaha Hargeysa meel ka mid ah uun laga maqlo sida lay sheegay,baadhitaankeeda iyo daba galkeeduna Ciidamada Amniga ayaa u uyaala,waad ogtihiin oo hadii Idaacad noocaas oo kale ah meelahaas lala dhuun dhuunto,suurta gal ayaa ay noqon karaysaa in Caddawguna uu mid kale la dhuun dhuunto"Ayuu yidhi Wasiir Cukuse