Wasiir Cadami Oo Sheegay Inaanu Shirka Xiin-Galool Shar U Lahayn Qaddiyadda Somaliland

0
690

Picture5Hargeys(Geeska):-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in aanay habayaraatee wax cabsi ah ka qabin shir  beeleed muddooyinkii danbe abaabulkiisu uu ka socday deegaanka Xiin-galool ee Gobalka Sanaag.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Md:Axmed Xaaji Cali Cadami oo shirkan beeshiisu ay qaban qaabinayso ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa,waxaa uu kaga hadlay sida uu u arko shirka deegaankaasi ka socda,waxaana uu sheegay in aan shirkaasi ahayn mid Siyaasadeed balse uu yahay mid ay beeshaasi kaga arrinsanayso arrimaha dhinaca horumarka ah ee deegaankaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga Md:Axmed Xaaji Cabdilaahi Cadami ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaar kamida warbaahinta shalay kula hadlaayey magaalada Hargeysa. “Soomaalidu waxay tidhaa Habaar waa debad, yacnihii qof caafimaad qaba inaad Cudur u saadisaa ma fiicna.Xiin-galool Shir baa ka socda, wali ma socdo ee Abaabulkiisii baa socda, Shirku wali ma furmin oo Shirka waxa la yidhaahdaa marka Ajandihiisa la ogaado ee uu soo baxo, la furo albaabada, la yidhaahdo Ergadii way soo dhamaatay markaas ayaynu u naqaan shir furmay” Ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Md:Axmed Xaaji Cali Caddami oo hadalkiisa sii wata aya waxaa uu intaasi ku daray in aan wali Ajandaha shirkaasi la soo bandhigin isla mar ahaantaana aanay wax cabsi ah oo ay ka Xukuumad ahaan ka qabaan aanu jirin shirkaasi.

 “Inta aanu Ognahay, oo aan war ka hayo wax cabsi ah oo aanu ka qabno shirkaasi ma jirto.Anigu halkaas fog eed ku dhereriseen ee Khaatumo labaadaasiyo, waxaan odhan lahaa waar dadka ha maqashiinina maba yaqaaniin Magacyadaase.wax sidaas u eeg oo ka soo bixi karaana ma jiro ayaan anigu leeyahay. Shirkaasi waa shir dhaqameed waxay kaga shaqaynayaan wixii beesha danteeda ah ee inay Bulshada ka dambeeyaan ah iyo sidii ay u horumari lahaayeen iyo danahooda gaarka ah laakiin wax ku tacaluqa maamule kale iyo maamul ay iyagu samaysanayaan intaa midna anigu ma ogi. Waxaanan aaminsanahay inaanay jirin cid iiga war roon Shirkaasi hadii wax shaki ah aanu ka qabnana hadda shirkaanuba joogi lahayne halkan ma joogneen” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland.