Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Oo Heshiis Sahamin Shidaal Ah La Gashay BGP ink Ee Dalka Shiinaha

0
613

Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiinta  wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa faah faahin ka bixiyey heshiis sahamin shiidaal ah oo ay la galeen shirkada BGP ink oo laga leeyahay dalka China.

1

Wasiirka Macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ka war bixiyey heshiiska ay la galeen shirkada BGP inkwaxaanu yidhi “Anaga oo ah wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland waanu maanta kala saxeexanay shirkada PGP  Ink oo ah shirkada ugu weyn uguna muuqaal dheer oo 44 wadan ka shaqaysa oo ku xeel dheer shaqadan aanu maanta kala saxeexanay taas oo wasaaradu u igmatay inay

dalka u qabato, heshiiskaasi waa mid fasaxaya in iyada oo wasaarada u shaqaynaysa ay gasho hawl galo sahaminta shiidaalka dhulka ah taas oo ka bilaabmaysa gobolo ka mid ah dalka.”

Sidoo kale wasiirka macdanta ayaa shacabka somaliland ugu baaqay inay taageeraan heshiiskan sahaminta shiidaalka waxaanu yidhi “Hawshan waxay bilaabmaysaa laba bilood iyo badh ka dib waxanan ugu baaqaynaa shacabka somaliland inay is garab taagan horu markaas inoo soo kordhaya ee aynu is leenahay wax wanaagsan ayuu soo kordhinayaa oo dhaqaale ayuu soo kordhinayaa  inaynu taakulayno oo aynaan ka hor iman ayaa  inoo muhiim ah, deegaanada hawshan laga qabanayana waxaanu leenahay waa inaad soo dhawaysaan oo aad ku ducaysaan inuu ilaahay inagu guuleeyo.”

Dhinaca wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in gargaar ka yimid shirkadaha ay heshiiska sahaminta shiidaalka kula jiraan gaadhsiiyeen dadka abaaruhu saameeyeen waxaanu yidhi “Wasaaradu waxay todobaadkii hore soo qaybisay raashin iyo biyo oo ah deeq ay ka heshay shirkada Genal Energ, shirkadaha aanu heshiiska kula jirno ee shiidaalkana codsi ayaanu qornay kuwaas oo aanu ugu baaqayno inay gacan ka gaystaan dhibaatooyinka dalka ka taagan ee Abaarta, shirkada Genal way soo ajiibtay codsigii iyada ayaana ugu horaysay, waxaanan shirkadaha kale ugu baaqaynaa inay ka qayb galaan sidii loo badbaadin lahaa dadka abaartu hayso.”

Agaasimaha waaxda shiidaalka ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland oo ka hadlay heshiiska ay la galeen shirkada BGP ink ee dalka China ayaa ka war bixiyey shirkadan waxaanu yidhi “waa shirkada ugu horaysa sahanka bariga ee aduunka waana mid lagu kalsoon yahay, sida laga war qabana  xaalada shiidaalkuna maanta aad ayey u liidataa sidaas oo ay tahayna han wayni iyo rajo laga qabo dhulkeena ayuu mashruucani suurta gal u noqonayaa.”

Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Siciid Axmed Jibriil ayaa isaguna faah faahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen shirkadan waxaanu yidhi “mahad dhamaanteed ilaahay ayaa iska leh maanta inoo suura galiyey inuu inagu simo sahamin shiidaal oo lagu samaynayo gobolo ka mid ah wadanka kaas oo ay fulinayso shirkada PGP ee laga leeyahay dalka China.”