Hargeysa( Geeska ) Wasaarada macdanta, biyaha iyo tamarta, ayaa beenisay eeddo ay u soo jeediyeen mudanayaal ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Somaliland, waxaana ay sheegtay in dhaliilahaas ay yihiin qaar sal iyo raad toona aan lahayn.
Wasaaradu waxa ay eedayntaas xildhibaanda ay ku xidhiidhiyeen shirkada Al-Nafoora oo biyo galin kooban laga siiyay magaalada Burco ku qanci wayday, waxaanay wasaaradu ka warbaxisay sida loo maamulay biyahii ay bixiyeen dalalka Imaaraadka iyo Kuwayt, waxana warsaxaafadeedkas ay wasaaradu soo saartay akhrinaayay agaasimaha guud ee wasaarada Siciid Axmed Jibriil oo uu dhinac fadhiyay wasiirka macdanta iyo biyaha, waxaana qorlaakaas kamid ahaa “Waxaa bishii ogost 2011 wasaarada noogu yimi madaxda shirkada Al-NAFUURA iyo CITY PLAZA oo ka codsaday wasaarada in loo ogolaado biyo galinta qayb ka mid ah magaalada burco oo aanay wakaalad biyaheedu wali gaadhin wakhtigaas ,ka dib wasaaradu waxay u ogolaatay shirkadaha kor ku xusan inay biyo galiyaan 250 guri midkiiba si ku meelgaadh ah muddo hal sano ah, ka dibna wakaalada biyaha Burco ku wareejiyaan loona celiyo hantidii ka gashay si waafaqsan sharciga maalgashiga .
Waxaa dhacday in shirkada Al-naafuur samaysay biyo galin ku dhaw saddex laab intii loo ogolaa taas oo keentay in ay iska horyimaadaan shirkada iyo wakaalda biyaha Burco ,kaas oo gaadhay in shaqaalaha shirkada Al-naafuura isku dayeen inay gaadhi jiidhsiiyaan madaxda wakaalada iyo wasaarada ee gobolka Togdheer taas oo leh khatar amaan daro, isla markaana cagaf ku gooyaan dhuumaha biyaha ee wakaalda biyaha Burco .
Waxaanu agaasimahu sheegay in wakhtigan wakaalada biyaha ee burco ay awood u leedahay waraabinta magaalada, ayna shirkadaas dhibaatooyin kawado magaaladaas. Waxaanu sharaxaad ka sii baxiyay qaabkii loo maamualay ceelashii ay u deeqeen dalalka Imaaraadka iyo Kuwayt.”
Iyadoo wasaaradu ka hadlaysa qaybinta ceelasha waxay tidhi “Haddaba haddii aan si kooban idiinku iftiimiyo qaabka wasaaradu u qaybiso ceelasha deeqda ah ee soo gaadha dalka looma eego gobolaysi ,qabyaalad iyo nin jeclaysi midnaba ,waxaase loo eegaa qaabka joolaji ee dhulka baahida degaanka iyo awooda riigaga dalka yaala .Waxa kale oo jirta in aanay wasaaradu lahayn riigag ay wax ku qodo kuwa hada dalka joogaana ay tayadoodu aad u liidato dhinaca qalabka iyo farsamoyaqaanadaba , iyagoo aan awood u lahayn inay qodaan ceelasha ku yaala hawdka oo baahida biyuhu aad ugu badan tahay ,iyadoo ilaa imika ay ku guuldaraysteen qoditaanka 10 ceel oo ku yaala hawdka.
Si looga faaiidaysto deeqahaas kooban ee dalku ka helo deeqbixiyaasha iyo walaalaheena carbeed waxay wasaaradu qaadatay istartijiyada ah.
1-in ay bedasho ceelashii hore u jiray ee laga guuray (replacement ).
2-in la qodo ceelasha cusub ee sahankooda la hayo .
3- in la sahamiyo dhulka aan ceel hore ka qodnayn ama aan hore loo sahamin .
4- in goobaha maagaalooyinka laga waraabiyo laga qodo ceelal madaama baahi biyood ka jirto magaalooyinka .
Qaybinta deeqda imaraadka (18ceel)waa sidan
10 ceel oo laga qoday jaleelo xumba weyne oo loogu tala galay Bariga iyo Koonfurta magaalada Hargaysa
8 ceel oo laga qoday Burco oo loogu talagalay waraabinta magaalada iyo nawaaxigeeda .
Sida ay magaalada ugu kala qaybsan yihiina waasidan hoos ku xusan
Galbeed (saylda ,Dr Muuse ,Maxamed cali ,Qandahaar )
Bari (Siibakhti ,Timaweynta ,Oktober ,Buqleeya )
Deeqda Kuwait (12ceel) waxaan u qaybinay sidan
1-Awdal /Salal 2 ceel (Gargooray, Camuud )
2-Mariidijeex 2ceel (Dameera- boob, Salaxley )
3-Saaxil 2ceel (Faradeero , Goobaare )
4-Sanaag 3ceel (Laanqiciye,Badhan ,Ceel afweyn )
5-Togdheer 2ceel (Qabri huluul ,Dhoqoshay )
6-Sool 1ceel (Widh widh)
Hadii xataa sida ay u hadlayaan kooxdaasi loo dhigo loona raaco tooda ilaa maanta waxaa dalka laga qoday 30 ceel intii xukuumadani jirtay, 16 ceel oo ka mid ah waxaa laga qoday deegaanada ay kooxdaasi ku abtirsadaan.”
Comments are closed.