Wasaaradda Deegaanka Oo Soo Gunaanaday Olole Dhir Beeris Ah Oo Ay Muddo Waday

0
553

Hargeysa (Geeska)- Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga waxay dugsiga Nuradiin ku soo gebagebaysay olole qaran oo bilihii u danbeeyey ay fulinaysay  Wasaaraddu kaas oo lagu horumarinayey deegaanka, gaar ahaan kan caasimadda. Munaasibadda gunaanadka ololahan waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismacil Baandare.Wasiiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane, Masuuliyiin ka socday SDF, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Nuradiin.

Ujeedada ololaha ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada ee ku aaddan ilaalinta iyo kor u qaadidda deegaanka iyo sidii loo horumarin lahaa bilicda goobaha waxbarashada. Intii ololahani socday waxa la qaybiyay 60,000  geed   oo loo qaybiyay ilaa 40 dugsi, iyo 4 jaamcadood oo ku yaalla Magaalada Hargiesa Ololahan waxa hal ku dheg looga dhigay "Geed Beer" waxana fulinaysay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo maalgelin ka helaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

3(661).jpg

Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda shaqo ee qaranka ay uga masuulka tahay, waxay go'aansatay in ay daboosho baahi balaadhan oo ka jirta goobaha waxbarashada iyo masaajidada oo aan lahayn dhir ku filan, waxayna furtay qabashada araajida codsiyada dhir cusub oo lagu beero goobaha waxbarasho iyo masaajidda iyada oo lagu xidhay shuruudo la xidhiidha badbaadada iyo joogteynta koritaanka dhirtaas, gaar ahaan helidda biyo lagu waraabiyo iyo in laga ilaaliyo xoolaha iyo wixii kale ee dhibaato soo gaadhsiin karaba.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka hadashay muhiimada barnaamijka dhiraynta iyo sida uu ka bilaabmay ayaa yidhi  “Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa uu ka taageeraa Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Mashruuc ku qotama horumarinta deegaanka kaas oo ka kooban saddex qaybood oo kala ah:

Xoojinta Awoodda Maamul ee Wasaaradda Deegaanka ee Khayraadka Dabiiciga ah

Dhismaha iyo Qalabaynta Xafiisyo cusub oo laga hirgalinayo Xarunta dhexe ee Wasaaradda ee Hargeysa iyo gobaladda iyo Degmooyinka sida Saylac Boorama, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood

Asaasida lix urur Bulsho oo maamula kaymaha iyo lix goobood oo xanaananyta iyo abqaalida dhirta oo ku kala yaala Hargeysa, Boorma, Ceerigaabo, Laascaanood, Burco iyo Sheekh oo ay ka faa’iidaysanayaan ku dhawaad 60,000 qof

Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ah deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dawaladda Somaliland hirgelinta Mashaariicda Horumarineed, waxa maalgeliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), iyo Dawladaha Norway iyo Netherlands”.

Dhinaca Dugsiga Nuradiin oo isagu kaalinta kowaad u galay Dugsiyada loo qaybiyey dhirta ee mashruucan ayaa waxa munaasibadaas hadalo dardaaran iyo dhiirigelin iskugu jira ka soo jeediyey ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Dugsiga Nuradiin, Cabdikariim Aadan Cumar oo isagu ah maareeyaha mashruucan, waxayna ku baaqeen in dhirta la ilaaliyo lana daryeelo, iyada oo halkaasna lagu bixiyey dhir badan, oo loo qaybiyey ardayda,