Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda Dhalinayarada Iyo Ciyaaraha ayaa abaal marin ku maamuustay Shirkada SO! LTD, iyadoo uga mahadcelisay doorkii Waynaa Ee Ay Ka Qaadatay Gudbinta tooska ah (LIVE) Ee Ciyaaraha Gobalada Somaliland.
Abaalmarintan shirkada la siiyay ayaa ahayd mid lagu gudoonsiiyay doorka lama ilaawaanka ahaa ee shirkada SO! Ltd ay kaciyaartay gudbinta tooskaa ee ciyaaraha gobalada somaaliland iyagoo doorkani soo kordhiyay internet noocisu dalka kucusub yahay oo xawaarahis udheeraynayo iyagoo adeegsanaya xadhiga awooda badan ee intarnetka "fiber optic" , waxaanay sidoo kale suurogaliyeen in ciyaaraha Somaliland laga daawado baraha bulshada sida Facebooka, Youtubka waxaana intaadheeraa in ay garoomada Hargysa stadium iyo timacade basketball ay ugu deeqeen wireless internet ay isticimaalayeen daawadayaasha ciyaaraha kaqayab qaadanayay ee garoonka ku sugani si ay ciyaarta u daawaddaan una isticmaalaan internetka shirkada SO! LTD oo bilaasha sidoo kale waxay ugu deeqday shirkadu kooxaha kubada kolayga agabdirays oo dhamaystiran ay siiyeen dhaamaan kooxaha ka soo qayabgalay ciyaarha gobalada Somaliland oo ahaa sideed gobol.
Sidoo kale shirkadu waxay deeq agab ciyaareed ugu deeqday garsoorka ciyaarha oradada deeqdaasoo ahayd dirays ka garsoorka iyo lambarada ay kuciyaarayeen ordyahanada kaqayb qaadanayay ciyaarha gobalada.
Deeqahani waxa ay ka mid ahaayeen kuwa ay shirkadu ugutalo gashay in ay wax ugutarto macaamisheeda iyo bulshada somaaliland tana noqon mayso tii ugu damabaysay ee waxay shirkadu ballanqaaday inay dadaalkay bulshada la garabtaagantay bartaasna kasiiwadi doonto.
Waxaanay shirkadu ugu talogashay una diyaarisay internet uu xawaarihiisu sareeyo oo u sido xadhiga "fiber optic" waxa ay macaamishay jecel isticimaalka internet keeda ugu bushaaraynaysaa in xarumocusub loogafuray dagmooyin badan kamida Somaaliland qaarna gacanta laguhay qaarna ay dhamaaden shaqeeyaana sida arabsiyo.