Hargeysa(Geeska)-Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo ay waheliyaan wasiirdawlaha wasaarada Cabdi Daahir Camuud iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase ayaa si rasmi ah u Furay shirka dib u habaynta iyo dardargellinta Hawlaha shaqo ee wasaarada qaranka u Hayso oo muddo laba cisho ah usocon doona shaqaalaha waynaha kalla duwan ee Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland oo iskaga kalla yimid dhamaan Gobolada dalka Somaliland.
Shirkan oo ka furmay hotel mount royal ee magaalada Hargeysa waxaa ugu horayn agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase oo furutaanka shirkaasi kahadley ayaa Yidhi{ujeeda guud ee shirkani waa in la iswaraysto oo la isqiimeeyo la iswaydiiyo Halka aynu taaganahey iyo side aynu hore uga sii soconaa islamarkaana qorshaha Cusub ee wasaarada ku shaqaynayso iyo sida madaxda cusub ee wasaarada timid u Fikirayso aan idinla wadaagno si aynu u noqono hal tiim markaa waa is qiimayn, Waa Hagaajinta wada shaqaynta waa si waydiinta waajibka shaqada wasaarada waa si Xasuusin .
Wasiir dawlaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada cabdi daahir camuud oo Furitaanka Shirkaasi kahadley ayaa xusay in shirka uu bilaw u yahey dardar cusub iyo Qorshe wanaagsan oo Shaqada wasaarada lagu horumarinaayo oo ay wadaan wasiirka Iyo agaasimaha cusub ee Wasaaradu.
Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo si Rasmi ah Shirkaasi u furay ayaa kahadley ujeeda shirka waxaanu sheegay in shirkani Uu fure u yahey in shaqaalaha wasaaradu isla jaanqaadaan oo wada shaqayntooda kor Loogu qaado.
Wasiir obsiiye waxaa uu dul istaagay muhiimad ay leeyihiin qayabaha wasaarada ay ka Kooban tahey isagoo midkasta xusay qorshaha uu kor uqaadaaya waxaa sheegay iany Qorsha uga jirto sidii u balaadhan lahaa waaxda shaqada oo ay la xisaabtan la yeelan Doonaan dhamaan hayadaha kalla duwan ee dalka kashaqeeya si looga hortago in Shaqada uu muwaadin qaban karo qof ajaanib ahi aanu qabto si dhallinyarada Somaliland ee sanadkasta jaamacadaha kazoo baxaaya uhelaan shaqo.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku xusay in ay muhiim tahey in guud ahaa shaqaalaha Wasaaradu ay ka qaybqaataan taakulanya abaaraha waxaa kula dardaarmay guud ahaa Shaqaala wasaarada ee shirkan kasoo qaybgalley inay xoojiyaan wada shaqaynta iyo kobcinta shaqada wasaarada .
Shirkani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dhawaahan ay yeeshaan Shaqaalaha wasaarada iyo guud ahaa wasaaraduhuba waxaana ay fure cusub u tahey Dardargellinta iyo qorshayaasha horumarineed ee ay wasaarada ku hogaaminayaan Wasiirka cusub ee shaqada iyoa rimaha bulshada maxamed cabdilaahi obsiiye iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cilmi Aadan ilkacase oo muddo ku siman Hal bil uun ay kazoo wareegtay markii madaxweyne siilaanyo u Magacaabay iney Qaranka uga masuul noqdaan wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo shaqo Balaadhan u haysa bulshada Somaliland.