Ciidamad Burundi Oo Bilaabay Inay Ka Baxaan Somaliya Iyo Halista Soo Waajihi Karta AMISOM

0
644

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Ciidamada Burundi ayaa billaabay ka bixitaanka Soomaaliya oo ay muddo ku sugnaayeen,waxaana ciidamada dalka ka socda ay qayb ka ahaayeen kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

1

Waxa ugu weyn ee ciidamada Burundi ay uga baxayaan Soomaaliya,waxaa lugu sheegay muran dhinaca mushaarka la xidhiidha oo u dhaxeeya dowladda Burundi iyo Midowga Yurub.

Mushaharka ciidamada AMISOM ayaa waxaa bixiya Midowga Yurub, hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xidhiidha xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kaddib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.

Midowga Yurub ayaa ka horyimid markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza uu is-beddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isu sharxo madaxwene, oo bishii July dib loo doortay.

Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaadhaya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee iyada oo aan weli wax heshiis ah la gaadhin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay Isniintii billaabaan in ciidanka oo gaadhaya 5,400 oo askari laga saaro Soomaaliya.

“Waxaan go’aansannay inaan bilowno ka bixitaanka Soomaaliya, sida aan ballan-qaadnay, sababtoo ah ciidamadayadu masii shaqeyn karaan iyaga oo aan mushahar lasiineyn” waxaa sidaas yidhi madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo.

Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu sheegay maankooda inay ku jirtay Soomaaliya inaanay ka tagin illaa la helo xasillooni buuxda,laakin ay ku qasban-yihiin hadda inay ka saaran ciidankooda oo u sheegay wax mushaar ah inaanay helin muddo 12 bilood ah.

Qorshaha dowladda Burundi ay ku saareyso ciidamada haddii la  allaariyo,waxaa loo arkaa inay wax u wiiqayso awooda AMISOM.