Hargeysa(Geeska)-Wasaarada beeraha jamhuuriyada Somaliland ayaa soo saartay wacyigalin ku soobsan heerka cunto soo saarka ee Somaliland. In ku dhaw boqolkiiba sideetan cuntada la quuto ee dalka ayaa ka timaada dibada, waxaanay wasaarada beeraha ee dalku ku tilmaamtay arintaas mid ku khatar ah jiritaanka dalka.
Dhawaan ayaa lagu dhawaaqay todobaadka cuntada Somaliland, iyada oo wacyigalin balaadhan laga samayn doono sidii ay dadku ugu baraarugi lahaayeen beerashada iyo isticmaalka cuntada dalka ka soo baxda, si looga gaashaman karo hadii cuntada dibada ka timaadaa ay joogsato.
Qoraal wacyigalin ah oo ay soo saartay wasaarada beeraha jamhuuriyada Somaliland ayaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa iyada oo dhamaystiran.
Cunto Sugnaan
Hordhac
Wadanka waxa ka haysta cunta sugnaan daro badan oo ku baahsan, miyiga iyo meela door ah oo magaalooyinkka ah. Waxana sababay cunto yarida :
Guud ahaan wax soo saarka dalka oo liita, gaar ahaan xoolaha, iyo beeraha oo nolosha miyigu ku tiirsantahay, iyo
Shaqa la’aan haysata dad badan oo reer magaal ah, iyadoo dadku ku soo kordhayo magaalooyinka,
Tirade dadkuna( Population) aad u kordhayso.
Cunta sugnaan waxa loola jeedaa “ dadka oo hela cunta ku filan tayo iyo tiraba si ay u helaan xubnaha qoysku nafaqo ku filan sanadka oo dhan”.
Hadaynu ka eegno cunta sugnaanta dhinca beeraha, Beera qodashadu, waxay kaga jirtaa kaalinta labaad ee ugu muhiimsan dhaqaalaheena, maka laga reebo dhaqashada xoolaha; iyadoo 20%-25% dadka noloshoodu ay ku xidhanyihiin wax soo saarka beeraha. Wax Soo saarka midhaha beerahu waa uu kooban yahay. Qiyaas ahaan, dhulka laga beeray, labada dalg ee ugu muhiimsan, sanadihii 2005 ilaa 2009 isku celcelin waxay naqdeen 35,087 hektars, Wax soo saarkuna wuxu noqday 17,362 m.ton.Markaynu eegno cuntada aan dibeda ka keensano, sida Barriska, Baasdada, Sonkorta, Saliida, Daqiiqda, timirta IWM,oo isku celcelin gaadhaya ilaa 400,000 ton, cuntada aan soo saarnaa waxay ka noqoneysaa 4%( boolkiiba afar.)
Iyadoo laga duulayo cunta yarida dalka ka jirta ee noocaas ah, waxay Wassaarda Beerahu iyadoo kaashaneysa mashaariicda horumarineed ay dawlada iyo hayadaha UN-ta, kuwa caalamiga iyo maxaligba waxay dejisay siyaasadii dhinaca beeraha loogu hawlgali lahaa sidii wada jir ahaan ( hayadaha dawliga ee ay khusyso ee kale) dhibatadaa cunto yarida loo wajahi lahaa.
Ujedada laga leeyahay siyaasaadanina waa:
`1)-In la is dareensiiyo xaalada ba’an ee cunto yaraanta dalka ku suganyahay, gaarahaan heerka wax soo saarka midhaha la quuto ee wadaniga oo aad u liita iyo in la abaabulo lana hawlgaliyo ilaha dhaqaalaha laguna maalgaaliyo wax soo saarka beeraha. 2)-Soo bandhigida carqaladaha dhaqaale, kuwa aragtiyeed, iyo kuwa hayadeed ee hortaagan wax soo saarka dalaga beeraheena.3)-Dejinta wadada loo marayo kordhinta wax soo saarka iyo helitaanka cuntada.
Siyaasada loo marayo Sugnaanta Cuntada ee Dhinaca Beeraha
Siyaasada iyo Shuruucda Beeraha
Siyaasada Wax soo saarka
Hadhuudhka iyo Galleyda, Dalagyada u dhigma kuwa debeda laga keeno, Dalegyada leh boratinka iyo duxda, Dalagyada loo diri karo Dibeda mustaqbalka, Timirta iyo wada Dhaqashada beeraha iyo Xoolaha( agropastoralism), Geed weynta, Keydinta iyo joojinta socodka Biyaha.
Hab qodalka Wanaagsan,
Aqoonta Beeraha iyo horumarinta cilmi Baadhista;
Agab beereed tayo leh;
Koruqaadista habka Suuqgeynta;
Suurogilinta helitaan maaliyadeed;
Dakhli Abuur;
Xogta Sugnaanta Cuntada.