Warsaxaafadeedkii Sabtida Ee Ergada Aqoonyahanka Ee Khilaafka Golaha Wakiilada Jamhuriyadda Somaliland

0
517

Picture1u: Ergada Golaha Guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka wakiilada iyo Gudiga joogtda ah ee Golaha Guurtida

Ku::Dhammaan shirgudoonka golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Garyaqaanka golaha wakiilada Mustafe Maxame X.daahir

Og::Muwaadiniinta Dalkan iyo dhammaan xildhibaanada Baarlamaanka Jamh. Somaliland

Ka:Afhayeenka Ergada taariikhyahanada,oo ah qoraaga buugga “Yagleelka Nidaamka Dowladeed” ee 4ta Hormo ah,Mr  Cali Dool Axmed oo ilaa 1998dii ilaa 2014kii dhegeyste joogta ah ka ahaa doodaha golaha wakiilada ee Somaliland,

UJ: Wasaxaafadeedka Xogsiinta Ergooyinkii Heshiisiinta Khilaafka Wakiilada iyo Shacabka Somaliland

Mudane iyo muwaadin,qurba joog iyo qolqol joog,dhammaantiin reer Somalilandnow ergadu way idin salaamaynaa.

Mar labaadkana waanu idiin bishaareynaynaaye ee kusoo dhowaada,walaalayaal ugu horeynta waxaad ogaataan inaanay dhiillo waxba tarin,aan ka ahayn dheg xumo iyo isdhaliilid dambe,hadaba anaga oo taas ka digtoon,waxaanu idiin sheegeynaa,waxaanu idiin haynaa,war farxad leh oo ka duwan kii aad warbaahinta ka dhegeysateen ee ay gudigii dhexdhexaadinta ee wakliiladu maanta duhurkii ay shirarkoodii jaraa.id, ee kala duwanaa golaha dhexdiisa ay wabaahinta ku siiyeen,

In aanu ugu horeyntii la kulanay,gudigii joogtada ee ergadii golaha guurtida ee dhexdhexaadinaysa garyaqaan

Waxaanu isagana xafiiskiisa kula kulnay,garyaqaanka golaha wakiilada mudane Mustafe Maxamed Daahir.

Intaas dabadeedna waxaanu idiin sheegeynaa,in aanu muddo dhowr saacadood ah hor taagnayn,oo aanu ka warsugaynay natiijada ay soo saari doonaan gudigii wakiilada ee 14 xubnood ahaa ee ay shir gudoonka goluhu u xil saareen daminta khilaafka golaha.

kuwaasoo ilaa 12kii duhurnimo uu shir u socday,oo ay ugu dambeynti u yeedheen guddigii golaha guurtida, kadibna ay dib ugu celiyeen xilkii ay kala wareegeen heshiisiintii golaha wakiilada.

Waxaanu idiin sheegeynaa,inaanu goob joog u ahayn dhaqdhaqaayadii jiray iyo arrimhii dhacay sabtidan oo dhan. ilaa aanu salaaddii duhur ku wada tukunay gudaha baarlamaanka,ergadii guurtida kadib markay arrintii kalasoo wareegeen gudigii is khilaaftay ee wakiilada ahayd,

Waxaanu idiin sheegeynaa in aanu barqanimadii, kulan gaara la yeelanay xafiiska gudoomiyaha guurtida Somaliland,gudoomiye ku xigeenka 1aad ee guurtida iyo xubnihii ergada guurtida ahayd.kuwaasoo nagu yidhi,waxaad talo haysaan,waxaanu dhageysan doonaa,haddii ay gudidaas 14ka ah ee wakiiladu ay arrinta xal ka gaadhi kari waayaan oo dib nooguso celiyaa.anaguna waanu aqbalay.

In aanu nasiib wanaag la kulanay,labadii gudoomiye ku xigeen ee wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax iyo mudane Dr Cali Yuusuf Axmed,waxaanu kula ku kulanay xafiiska uu golaha ku leeyahay Dr Cali Yuusuf.

Waxaanu idiin sheegeynaa,inaanu qoraalkii 4ta bog ahaa iyo qodobadii aanu ku dhexdhexaadinaynayba aanu gaadhsiinay,oo ay si sharaf leh nooga guddoomeen.

Inaanu is wareysi iyo wada hadal  buuuxa wada  yeelanay,

In aanu aad u is hogo tusaaleynay odayadaas,oo kor iyo hoosba u wada hadalay.

Inay dareen wanaagsan,soo dhoweyn ergayntayada ah iyo noo muujiyeen yididiilo ah,in khilaafkaas golaha qodobkii aanu ku dhexdhexaadinaynay, iyaga iyo gudoomiye Cirro, ay labadaas ku xigeenna ay noo sheegeen, inay yeeleen sidii uu gudoomiyaha goluhu noo aqbalay iyo si lamid ah ayuu hadalkooda saldhig u ahaa,waxaanu isla fahamnay in codkii maamuus ka xayuubinta labada gudoomiye uu ahaado 55 cod,islamarkaana kuraasidii labada gudoomiye ku xigeen halkoodii hore lagusooo celiyo.

ajande qudha oo qodobkaas qeexayana golaha la hor keeno,kadibna uu goluhu fasaxiisii galo,arrimaha kale e kala tabanayaanna ay ku xallistaan kalfadhigooda dambe.

Haddii aanay arrimo kale khilaafka circa kusii laalin,ilaahay idamkii,qoraalkan cad ee ergada oo ay weftigii aqoonyahanadu ugu gudbin doonaan,golaha guurtida  guddigiisa joogtada iyo garyaqaanka golaha wakiilada,iyo shirgudoonka golaha wakiiladaba. 

Waxaanu ilaahay ka rajeynaynaa,inuu khilaafkaasi si fudud iyo muwaafaqo,is afagarad iyo wada shaqeyntii shirgudoonka wakiilada oo soo noqota uu ku dhammaadop

Qore Cali Dool Axmed  afhayeenka ergda aqoonyahanada ee khilaafka golaha wakiilada Somaliland

NB

Waxa manta lagu xamanayay, inta badan xubnihii 14k nin ee ahaa gudiga uu golaha wakiiladu u xil saaray,heshiisiinta khilaafka golahooda kazoo arrimiyaan inay intireen dano gaara oo  saddexdan nooc u qaybsamayay sida

Xubno damac uu kaga jiray inay ku fadhiistaan kuraasiga shirgudoonka golaha, marka uu khilaafkani keeno,in qaarkood ama kuligoodba la wada rido,kuaasoo doonaya,inay hadhoow hadday ku guuleystaan,ay mar kale xeerhoosaadka ka bedelaan oo dhigaan riditaanka gudoomiyaha 55 cod,

Xubno ballaan qaadyo siyaasadeed oo kale ka haystay awoodo golaha ka baxsan oo farriimo ku shaqeynayay.

Iyo xubno danaystayaal dhadhamo raac ah,oo aan dhibaatada qarankooda kasoo gaadhaysa mushkiladan iyo khilaafyada siyaasadeed ama khilaafaadka sharci aan qiimeyn Karin.oo dhoohanayaal ahaa.ilaahaybaana runta ogsoon.

 Halkan ka akhriso qoraaladdii ergadan ee manta ka horeeyay/