Hargeysa (Geeska)-Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa ammaan balaahan u soo jeediyey wargeyska Geeska Afrika, gaar ahaan cadadka toddobaadlaha ah ee ciyaaraha u gaarka ah oo uu ku tilmaamay inuu yahay Wargeys, Wargeysyada kale iyo Warbaahinta kale uga soocan wasaaradda ciyaaraha.
Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, oo ka qayb galay tartan kubada cagta ah oo ay qabatay Adis Ababa Medical Universtay, waxaanu yidhi ugu horeyn “Waxaan aad ugu faraxsan nahay tartankan ay furtay Jamaacada Adisababa University, waxaanu tartankani yahay mid dhiirigelin u ah Ciyaaraha, balse waxaan si gaar ah u amaanaya Wargeyska Geeska Afrika, oo haddii aanu nahay Wasaaradda Ciyaaraha nooga soocan ama nooga duwan Wargeysyada iyo Warbaahinta kale, madaama uu horumarka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka qayb ka yahay, sababtoo ah maalinta Isniinta wuxuu Wargeysku soo saara Wargeys gaar u ah Ciyaaraha, oo wuxuu muhiimada siiya Ciyaaraha dalka, waana ku hambaliyeynayaa Wargeyska talaabadan wanaagsan ee ay ku dhaqaaqeen”.
Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayey Ciyaaraha ayaa yidhi “Maanta Magaalooyinkii waaweyn ee dalka Garoomadoodii waxa la dhigay Roog, Wasaarad ahaana waxaanu doonaynaa in aanu Ciyaaraha kala duwan ee dalka in aanu sare u qaadno, si ciyaaruhu xiiso u yeeshaan”.