Warbaahinta Caalamka Oo Wax Ka Qortay Xafiiska Somaliland Ka Furatay Taiwan Iyo Cadhada Shiinaha

0
602

Hargeysa (Geeska) – Arbacadii la soo dhaafay waxa Magaalada Taipei ee Caasimadda Taiwan xafiis Wakiileed ka furtay Dawladda Somaliland.

Xafiiskan oo uu ku shaqayn doono Wakiilka Somaliland ee dalka Taiwan Amb. Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa waxa furitaankiisii indhaha ku hayey Warbaahinta Caalamiga ah,  taasi oo si weyn wax uga qortay.

Warbaahinta Caalamiga ahi waxay dhinacyo badan ka istaageen furitaanka Xafiiska Somaliland ee Taiwan, kaasi oo daba socday ay Xafiis bishii hore Taiwan ka furatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Telefiishanka France24 oo ka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah ee wax ka qortay Xafiiska Somaliland ee Taiwan ayaa sheegay inay tani ku timid xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo soo kobcayey illaa sannadkii hore ee 2019.

Telefiishanka ayaa sheegay in Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Hagi uu Warbaahinta u sheegay in Somaliland ay Xafiiskeeda Taipei u furtay inay Taiwan la samayso xidhiidh si ay dhaqaalaheeda u dhisto “Waanu ku faraxsanahay inaanu xidhiidh la samayno Taiwan iyo Dalalka kaleba, si aanu u dhisno xidhiidh Dhaqaale..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Amb. Hagi in aanay wax cabsi ah ka qabin Shiinaha “Ma jirto wax khatar ah oo xidhiidhkaanu la yeelanay Taiwan ku keenayso Shiinaha..”

Laakiin, France24 oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Shiinaha oo aamisnan in Taiwan ka mid tahay dhulkiisu uu sheegay inuu Maalin uu qabsan doono Taiwan, haddii loo baahdana uu xoog ku muquunin doono.

Taiwan ayaa waxa Aqoonsi diblumaasiyadeed siiyey illaa 15 Dawladood oo caalamka ah, laakiin Taipei waxa xafiisyo ku leh Waddamo boqol ka badan, Xafiisyadaasi ayaa u badan kuwo Ganacsi.

Sidoo kale, Warbaahinta South China Morning Post oo ka mid Warbaahinta caalamka ee wax ka qoray Xafiiska Somaliland ka furtay Taipei ayaa sheegay in Xafiisku kor u sii qaadayo Xidhiidhka koraya ee Somaliland iyo Taiwan.

Sidaasi oo kale, Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in Shiinuhu ka cadhooday xidhiidhka Taiwan ay la yeelanayso dalalka Caalamka, sida Somaliland, taasina keentay in Shiinuhu ku fikiro inuu xoog ku qabsado Taiwan oo uu aamisan yahay inay dhulkiisa ka mid tahay.

Xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan ayaa sii laba-kaclaysay markii Taiwan ay xafiis ka furtay Somaliland, Somaliland ay xafiis ka furatay Taipei oo ah Caasimadda Taiwan.