Waraysi Gaar Ah: Ibrahim Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne

0
646

Ibrahim-DhegaweyneHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UDHIS Md. Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa sheegay inaanay shirka Ingiriiska ku jirin danaha Somaliland oo lagaga hadlay, waxaanu ku tilmaamay mid ay dawladaha reer galbeedku wateen.

Md. Dhegaweyne, oo shalay waraysi gaar ah uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay Somaliland shirkaas kaga qayb gashay iyadoo ka mid ah gobalada yaryar ee Somaliya,waxa kale oo uu cambaareeyay heshiis uu Madaxweyne Siilaanyo la saxeexday Madaxweynaha Seychelles oo ku saabsan maxkamadaynta maxaabiista budhcad badeeda ah. Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), waxa kale oo uu ku baaqay in guddi baadhiseed oo madaxbanaan la geliyo wasaaradda arrimaha dibadda oo uu dhawaan agaasimaheedii is casilay ku eedeeyay inay maamul xumo iyo wax isdaba marini ka jirto. Waraysigii uu Wargeyska Geeska Afrika, la yeeshay wuxuu u dhacay sidan:

Gudoomiye shirkii magaalada London uu Ingiriisku ugu qabanaayay Somalida waa uu soo dhamaaday, go’aamona waa laga soo saaray, wafti uu madaxweynuhu hogaaminaayo oo Somaliland matalaayayna  shirkaas way ka qayb galeen, adigu shirkaas iyo waxii ka soo baxay sidaad u aragtaa?

Shirkaas waxaan u arkaa inaan dan Somaliyeed lagu hayn, ee dan dawladaha reer galbeedku ay leeyahiin lagu hayay, Somaliland waxa la yidhaahdo oo arimheeda lagaga hadlaayay meesha mayaaliin ee Somali oo dhan ayaa laga hadlaayay, shirkana Somali oo dhan ayaa loogu talo galay, wuxuun baynu ka qayb galnay shir Somali oo dhan loogu talo galay, shirkana madaxdisii waxa Somali ku matalaayay ninka layidhaahdo Shariifka iyo raysal wasaarahiisa Cabbdiwali, Somalilandna waxay ka mid ahayd gobalada yar yar ee loo yeedhay ee iska dhagaysanaayay, haddii uu ka hadalay madaxweynuuna dee go’aamadii ka soo baxay wada hadluunbaa  ku jirtay iyo halaydiin qaybiyo waxa yar ee mucaawinada ah, dan weyn oo Somaliland ugu jirtay oo meesha ka muuqataa ma jirto.

Markaad eegto go’aamada aad soo qaaday waxa ku jiray in ay Somaliland iyo Somaliya ay wada fadhiistaan oo ay arimaha ka dhaxeeya isla soo meel dhigaan caalamkuna sidaas taageersan yahay, siduu kuula muuqdaa wada hadalkaasu?

Waa mid dad kale ay wataan, laakiin danteena kumaynu qiyaasin, waayo Somaliya inagu iyadoonay cidina dabada inaga wadin ayaynu la hadli karnaa, imika se dadbaa qasab isugu keen geeyay. Aqoonsiguna waxaan u arkaa inuu ku xidhan yahay masaaliix kale, imikana waxa meesha ka muuqda dano istaraatiijiyadeed oo ay leeyahiin wadamada reer galbeedka uun.

Somaliland waxay shirkaas ku soo saxeexday in lagu maxkamadayn karo oo xabsiyadeedana lagu xidhi karo budhcadbadeeda, arintaas sidaad u aragtaa?

Waa danbi umaddeena laga galaayo in heshiiskaas lagalaa ama baarlamaan ha’ahaato ama cid kale, imika markab baa la haystaa markaad tidhaadhdo halkanaan ku xidhayaa dad, yaa kuu soo daynaaya shalay waa laguu soo daynaayay’ee,  waxa weeyaan qofkii la qabsadaba qofbaa loo qabsan doonaa, dabadeedna dawlada Somaliland ayaa masuuliyadaas qaadi doonta, ninka Seychelles wax ku dhacay maxaa aniga ii keenaya danbigiisa, xuduudaheena danbigu ileen kamuu dhacine, waxii wadankeena danbi ka gala ayaa inaga danbiile inoo ah, waxii aan wadankeena danbi ka galinna dee wadankuu ka galay ha qabsado, aniguna waan ka soo horjeedaa in lagu maxkamadeeyo iyo in la keenaba halkan budhacadbadeeda waayo waxa loo qabsan doonaa dad reer Somaliland ah.

Dhawaan waxa is casilay agaasimahii guud ee wasaarada arimaha dibada Maxamuud Raage, waxaanu soo bandhigay musuq xoogan oo uu sheegay in wasaaradaas  ka dhax jiro, adigu markaad maqashay musuqaas sideed u aragtay, maxaadse ku talin lahayd?

Musuqmaasuqa wadanka ka socdaa waa uu ka badan yahay intaas waana xad dhaaf,  meel aanu ka soconi ma jirto, waxa weeyeen aniguna waxbaan boobayaa yaan lay xisaabinin, aniguna waxba xisbin maayo cidna, waxaan leeyahay guddi dhexe hala galiyo, inankaasu waxa uu soo bandhigay waa wax macquula, waxii lagu eedaynaayayna waxba anigu uma arko markaan rayigayga  eego, waxa aan leeyahay af Ingiriisi ma yaqaano iyo kan ma yaqaano iyo waar layskuma hayo waxaas ee tuugaa laysku hayaaye, tuugadaas ma qabtaa mise ma qabtid. Laamihii dibadaa la soo xidhay, mushaharkoodii baan la gayn, waxa wada cadbuu soo dhigay, waxaasi jawaab cad in laga bixiyo ayay u baahantahay, baadhitaan dhexe oo ay golayaashu ka qayb galaan waa loo baahan yahay, waayo isbaadhimayso dawlada gudaheedu. Hanti dhawrka qaranka waxaan u arkaa inuu yahay nin  adag oo wax baadhi kara, lakiinse waxa loo baahan yahay in uu madax banaanaado oo aan awaamiir gaar ah la siin.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo wakhti badan waad soo wada shaqayseen, aqoon badana waad isku leedihiin, haddana waa hoggaamiyaha Somaliland, haddaba sidaad u aragta hogaamintiisa?

Hogaaminta Axmed Siilaanyo umaddaan kala mid ahay, bal wali wakhti intaas ka badan aan siino, maanta masraxa isaga ayaa saaran Somalilandna isaga ayay daawanaysaa, isagaa ka agtara meeshan, waxa weeyeen dee filimkuu ina tusaa baynu daawan doonaan oo aynu sugaynaa.