Hargeysa(Geeska):-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii danbe si xooga ay xisbiyada mucaaradka ahi xukuumada ugu eedeynaayeen in ay dib uga riixayso wakhtigii ay qabsoomi lahayd ee badhtamaha sanadkan, waxaana uu tilmaamay in xukuumadu diyaar ay u tahay in doorashooyinka wakhtigoodii lagu qabto isla mar ahaantaana ay xukuumadu diyaarisay dhaqaalihii guud ahaanba kaga aadana hawlaha doorashooyinka in ay soo bixiso, balse waxaa uu carabka ku dhuftay in deeqbixiyeyaashu ay la daaheen in ay soo bixiyaan qadarka dhaqaalaha ah ee kaga aadan arrimaha doorashooyinka.
Md:Cali Maxame Waran-cadde, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa,"Waxaan halkan aan idiin ku cadaynayaa in dawlada Somaliland ay samaysay dhamaan waxyaabihii kaga aadana in ay doorashadu qabsoonto 26da Juun 2015, waxaana ka mid ah kaalinta ay dawladu ku leedahay in ay hirgasho doorashada dalka ka dhacaysaa saddex arrimood ayaa u horeeya, waad ogtihiin doorashada dhaqaalaha ku baxayaa waa uu badan yahay qayb waxaa qaatay beesha caalamka ama deeqbixiyeyaasha qaybna waxaa qaadatay Somaliland, waxaana aan halkan ka cadaynayaa in qaybtii Somaliland kaga soo hagaagtay in miisaaniyada 2015 ee sanadkan ay ku jirto dhamaanteed iyada oo wax ka dhimani aanay jirin.Waxaa se muuqda in hawlihii laga sugaayey daneeyayaasha doorashooyinka ay hawlahoodii wali qabyo yihiin, waxaan ka mid ah dhinaca deeq-bixiyeyaasha. Deeqbiyeyaashu waxaa ay balan qaadeen in ay bixiyaan dhamaanba kharashka kaga aadan in ay bixiyaan oo ah in ay 75% ay bixiyaan, kharashka ku baxaya diiwaan galinta codbixiyeyaasha, waxaana uu sharcigeenu dhigayaa in la dhameeyo diiwaan galinta codbixiyeyaasha iyada oo kaadhka lagu codaynaayo Lix bilood ka hor inta aanay dhicin doorashadu, waxaan runtii aan aad uga xumahay anaga oo wax badan ku heshiinay in wakhti hore la bilaabo anaga iyo deeqbixiyeyaasha illaa imika in aanay jirin habayaraatee diiwaan galintii codbixiyeyaasha ,mar haddii la sheegay in dawladii ka soo baxday intii ay ku lahayd doorashooyinka, waxaan ugu baaqayaa iyagana daneeyayaasha kale ee doorashada in iyaguna sida ay dawladu u samaysay ee ay u dadaashay in ay dadaalaan sidii ay doorashadu wakhigeedii ay u dhacdo."Ayuu yidhi Md:Waran-cadde.