War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Kalfadhiga 31aad Ee SONYO Oo Borama Ku Qabsoomay

0
562

Picture1Hargeysa(Geeska)-War-murtiyeed ayaa laga soo saaray kalfadhiga 31aad ee golaha sare ee daladda SONYO oo ku qabsoomay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal.

War-murtiyeedka oo uu ku saxeexanyahay guddoomiyaha SONYO Siyaad Cumar Cali, wuxuu u dhignaa sidan “Goluhu isagoo ku faraxsan sida quruxda iyo qaayaha badan ee Kulankiisii ugu  soo gebo-geboobay waxa uu guddoonsaday qoddobo badan, kuwaasoo  dhammaantood ku aroora horumarinta Dhallinyaradda JSL; iskaashiga iyo midnimada dhammaan daneeyeyaasha ku hawlan ama ka shaqeeya arrimaha dhallinyaradda; iyo sidoo kale, kor-u-qaadista tayada iyo waxqabadka xubnaha bahweynta Dallada SONYO. Ka dib falanqayn; faaqidaad iyo gorfeyn dhinac kasta ah, waxa uu Kal-fadhiga 

31aad ee Goluhu isla qaatay qoddobadan soo socda:

1. Goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa Dhammaan  hay’adihii ka qaybqaatay Tartanka Cayaaraha Gobolada JSL; waxa kale oo  uu bogaadinayaa doorka shariifka ah ee Wasaaradda Dhallinyaradda,  Ciyaaraha iyo Dalxiiska, xukuumada, Shirkadaha Ganacsiga iyo Maamulada 

Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolada JSL. Waxa kale oo uu Goluhu  amaanayaa kaalinta ay hawshaas qaran ka qaateen magaalooyinka Borama  iyo Burco oo iyagu marti-galiyey Ciyaaraha Tartanka. 

2. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa isla markaana kula dardaarmayaa  dhammaan kooxaha tartanka Cayaaraha gobolada ka qaybqaadanaya inay  dhawraan isla markaana ilaaliyaan amniga, kala-dambeyna, xasiloonida iyo hab-sami-u-socodka tartanka si loo gaadho himilada guud ee tartanka oo ah  jihaynta iyo hawl-galinta xooga cuddoon ee da’yarta iyo kor-u-qaadista is- dhex-galka iyo wax-wada-qabsiga dhallinyaradda JSL oo iyagu ah inta ugu  badan dadweynaha JSL. 

3. Golaha Sare ee Dallada SONYO, isagoo tixgalinaya isla markaana muhiimad  balaadhan siinaya midnimada, wada-jirka iyo horu-socodka guud ahaan  bahweynta Dallada SONYO, waxa uu ku baaqayaa in laga wada-shaqeeyo  loona midoobo sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii lagu xaliyay khilaafaadkii 

dhowaan dallada soo galay, isla markaana loo suurto-galin lahaa jawi  xasiloon oo ku haboon koboca iyo koriinka Dallada SONYO.

4. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Xukuumada JSL iyo daneeyeyaasha kale ee  Arrimaha Dhallinyaradda sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha muuqda ee dhallinyaradda Somaliland haysta iyo duruufaha ay la nool yihiin, gaar  ahaan kuwa gobolada barri. Goluhu wuxuu ku talinayaa in Miisaaniyada  Qaranku tixgalin balaadhan siiso wax-ka-qabashada baahiyaha dhallinyaradda.  

5.  Goluhu waxa uu ku baaqayaa in gacmaha la isu-qabsado loona midoobo  sidii uu u hirgali lahaa hanaan doorasho oo haboon isla markaana loo fulin  lahaa dhammaan qorsheyaasha badhi-taageeraya geedi-socod dimoqraadiyadeed oo wax-ku-ool oo laga dheehan karo dhammaan danaha  bulsho-weynta JSL sida dhallinyaradda, haweenka iyo bulshada u baahan in la awoodeeyo.

6. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan maal-geliyeyaasha iyo qaadhaan- bixiyeyaasha arrimaha horumarinta JSL daneeya inay kordhiyaan korna u  qaadaan taageerada ay siiyaan JSL isla markaana ay diirada saaraan sidii  Somaliland looga dhisi lahaa dhinacyada shaqo-abuurka, isku-filnaanshaha,  kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ururada bulshada rayidka ah.