War-Murtiyeed Ka Soo Baxay Kulan Laga Hadlay Xorriyada Warbaahinta

0
649

Waxa magaalada Hargeysa ka dhacay 26kii iyo 27kii April 2017 kulan laba maalmood ah oo ay ka soo qayb galeen ergo lixdan qof ah oo ka kala socday dhamaan gobolada Somaliland. Waxa ka soo qaybgalay suxufiyiin, ururada bulshada rayidka ah iyo qaybo kale oo bulshada ah, xirfad layaal, sadexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, iyo saraakiil dawladeed.

Kulanku wuxuu si mug leh uu lafo guray caqabadaha hortaagan warbaahinta dhinaca sharci, dhaqaale iyo xirfadeed ba. Waxa la isla gartay in la joojiyo ciqaabta warbaahinta iyo in arinka warbaahintu uu yahay mid sal balaadhan oo ay tahay in cid walib ka qaadato doorkeeda si loo hurumariyo. Kulanka waxa martigelisay Xarunta Xuquuqal Insaanka oo uu gacan ka siiyay ururka la yidhaahdo International Media Support. Ururka suxifiinta ee SOLJA ayaa qayb laxaad leh ka qaatay abaabulka iyo hirgelinta kulanka.

Kulanku wuxuu soo jeediyay talooyinkan soo socda:

In la dabaqo oo la raaco Dastuurka JSL oo ah sharciga u sareeya dalka iyo Xeerka Saxaafadda;

In la joojiyo in lagu dabaqo warbaahinta Xeerka Ciqaabta oo ah xeer gaboobay oo aan la jaan qaadi karin dastuurka iyo hanaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland qaadatay;

In wixii dacwad ah ee laga qabo suxufiyiinta loo maro hanaan dacwad madani ah;

In la sameeyo gudi madax-banaan oo xeer abuuray oo looga caban karo suxufiyiinta;

In wax ka bedel lagu sameeyo Xeerka Saxaafadda;

In la ilaaliyo oo la ixtiraamto madax banaanida warbaahinta

In la abuuro qaab iyo hanaan lagu diiwaangeliyo oo lagu xaqiijiyo suxufiyiinta;

In diiwaangelinta ha’adaha warbaahineed loo fuliyo si niyad sami ah oo aan caqabad lahayn;

In la furo machad ama kuliyad lagu barto culuumta saxaafadda;

In suxufiyiinta iyo warbaahintu ay ixtiraamto xuquuqda dadka kale, xirfadda suxufinimo iyo anshaxeeda;

In la sameeyo wada hadal dhex mara dawladda iyo suxufiyiinta si wax looga qabto is-faham la’aanta dhextaal saxaafadda iyo dawladda;

In hay’adaha warbaahintu ay suxufiyiinta u shaqeeya siiyaan mushahar joogto ah islamarkaana suxufiyiintu ay helaan xuquuqda iyo ilaalinta Xeerka Shaqaaluhu siiyay shaqaalaha;

In kor loo qaado wacyigelinta dadwaynaha ee ku aadan xorriyadda warbaahinta;

In ururada bulshada rayidka ahi ay si hagar la’aan ah u taageeraan una gacan qabtaan warbaahinta iyo suxufiyiinta oo laf dhabar u ah hawlaha madaniga ah;

In ururada caalamiga ahi ay taageeraan oo ay gacan buuxda siiyaan xorriyada warbaahinta, suxufiyiinta iyo ururkooda;

In la gacan qabto ururka suxifiiyinta ee SOLJA si uu u noqdo urur awood u leh inuu guto hawlihiisa.

In laga qaado caqabadaha gaarka u ah haweenka suxufiyiinta ah oo la abuuro deegaan shaqo oo ay ka hawlgeli karaan.

Wixii faah-faahin ah waxaad kala xidhiidhi kartaa:

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka,

Email: chair@hrcsomaliland.or