Hargeysa (Geeska/Alcarabiya)- Ninka sawirkiisu uu ka muuqdo warbixintani waxa uu ka mid yahay guutada Navel Seal oo askar ka tirsani ay xoog ku galeen qolkii hurdada ee Usaama Bin Laden, 2-dii May 2011-ka goor waaberi ah, magaalada Abottabad ee dalka Pakistan. Mid ka mid ah ayaa la sheegay in uu Usaama ku dhuftay laba xabbadood oo dilay, waana suurtogal in Matt uu ahaa ninka rasaastaa riday, maadaama oo uu ahaa ninka ugu shiishka badan Guutada Navel Seals inta badanna loo deyn jiray toogashada, waxa aanu warkaasi soo kala caddaan doonaa maalmaha soo socda marka uu soo baxo buug uu qoray.
Matt Bissonnette waa 36 jir ka soo jeeda gobolka Alaska ee dalka Maraykanka waxaana lagu tilmaamaa cunsurka ugu muhiimsan ee ku jiray kooxdan Kamaandoosta ah, laakiin weerarkaas markii uu ka qayb galay kadib waxa uu ka fadhiistay shaqadii askarinimo. Matt waxaa qisadiisa si faahfaahsan loogu soo bandhigi doonaa buug cusub oo la yidhaahdo, No Easy day. “Maalin aan sahlanayn” oo soo bixi doona laba toddobaad kadib si loogu beego xuska weerarradii 11-kii September 2001-dii ka dhacay Washington iyo New York. Matt Buuggaas kuma uu qorin magaciisa dhabta ah oo muu doonayn in la ogaado, waxa aanu sheegtay Mark Owen, laakiin waa isla isaga uun, waxaanu si faahfaahsan uga warramayaa gelitaankii guriga Usaama iyo dilkiisii ka dhacay dabaqa saddexaad ee gurigiisa iyada oo ay arkayaan inantiisa iyo xaaskiisu.
Matt Bissonnette haddii uu doonayo in magaciisa dhabta ah iyo muuqaalka wejigiisa la ogaado waxa uu ku qori lahaa buuggiisa, sabab amni ama wax kale oo ay tahayba waxa uu door biday in aanu is sheegin, laakiin nasiib darradiisa cid aan la garanayn ayaa magaciisa dhabta ah u gudbisay talefishanka Fox news ee dalka Maraykanka, kaas oo isna si degdeg ah ugu baahiyey daawadayaashiisa, farxadda Talefishanka Fox News ee ku aaddan magaca ninkan ee ay heleen kelidood waa ay kala dhinnayd, waxaa seegtay in ay sawirkiisana raadiyaan, waayo muuqaalkiisa oo la arkaa waxa ay dhamaystiraysaa qisada ninkan iyo in la raadiyo qofka uu dhab ahaan yahay Matt Bissonnette. Cidda keliya ee baadhay sawirka Matt ee weliba ku guulaysatay waa shabakadda Business insider oo Maraykan ah. Business Insider oo aad wax uga qorta arrimaha milaterigu waxa ay heshay laba sawir oo Matt ah, oo mid ka mid ah uu saaran yahay laash dagaal, waxaana laga qaaday xilli uu ku guda jiray hawlgalkii caanka ahaa ee sannadkii 2009-ka ay ciidamada Maraykanku ku badbaadiyeen Kabtankii Maraykanka ahaa ee Richard Phillips oo ay afduub badda ugu haysteen budhcad badeed Soomaali ahi. Taas macnaheedu waxa weeye in Matt uu ahaa xubintii ugu cadcaddayd ee ka qayb gashay dilkii Usaama iyo soo badbaadintii Richard oo muddo shan maalmood ah ay budhcad badeeddan oo hubaysani ku haysatay doon yar dusheed, badweynta Hindiya, ka hor intii aanay qasab ku soo furan unug ka tirsan ciidamada Navel Seal oo inta ay kaxaysteen doon ay u ekaysiiyeen markab xamuul ah, markii ay ku dhowaadeen ay rasaas madaxa kaga dhufteen budhcadda oo ay ka dileen saddex ka mid ah, Richard oo nabad qabana qaateen.
Buuggan cusub ee Matt ayaa la filayaa in uu ku soo bandhigi doono xogo aad u badan oo ku saabsan hawlgalladii uu ka qayb galay iyo si gaar ah hawlgalka lagu khaarajiyey hoggaamiyihii Alqaacida oo la sheegay in uu ka mid ahaa ragga hormuudka u ahaa isla markaana uu ahaa askarigii ugu horreeyey ee gala qolka hurdada ee Usaama ku jiray. Matt waxa uu buuggiisan ku sheegayaa in uu ka qayb qaatay 13 weerar oo khaarajin ah intii ka dambaysay weerarradii 11-ka September 2001-da.
Sida ay sheegayaan warar ka og dhow guutada Navel Seal Matt intii aanu shaqada ka fadhiisan waxa uu ahaa askariga ugu khatarsan uguna shiishka badan unugtiisa, waxa aanay taasi keentay in uu fure u noqdo hawlgallo badan oo ay Maraykanku ku khaarajiyeen dad ay u arkayeen cadowgooda. In kasta oo aan la hubin in uu buuggiisa soo socda ku sheegi doono, waxa ay dadka arrintan u dhuun daloolaa sheegayaan in uu ahaa shakhsiga si toos ah u dilay Usaama Bin Laden iyo in uu ka mid ahaa ragga riday xabadihii dilay budhcad badeedka Soomaalida ee saddexda ahaa. Fashilinta sawirka Matt iyo weliba buugga uu qoray waxa ay muran dhinaca amniga ah ka dhalisay dalka Maraykanka, waxaana suurtogal ah haddii buuggiisa loo arko in uu siro qaran ku faafiyey in maxkamad milateri la soo taago, iyada oo ay saraakiisha amniga qaarkoodna ku doodayaan in cidda koowaad ee uu Matt buuggiisan ku halis geliyey ay tahay naftiisa.