“Duruufaha iyo baahidu waxay ku qasbi doonaan reer Somaliland inay doortaan dhinac (Shiinaha/Taiwan), Shiinaha ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid lagu qanci karo, marka loo eego hadallada madhan ee Washington..”
Hargeysa (Geeska) – War-bixin dheer oo laga qoray dedaallada Dawladda iyo Shacabka Somaliland ee dhismaha Dalka, ayaa lagu sheegay inay Somaliland u horseedday inay guul muuqata ka gaadho Nidaamka Dawladnimo, dhismaha Hay’adaha Dawladda, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.
Michael Horton oo ah Tifaftiraha guud ee Wargeyska Modern Reformation magazine, ayaa War-bixin dheer oo uu diiradda ku saaray siday muhiimka u tahay inay Somaliland ka Faa’idaysato Juquraafi ahaan halka ay ka dhacdo Dunida iyo Geeska Afrika, taa beddelkeedana wuxuu ka digay in nabadda Somaliland kaga tilmaaman tahay Geeska Afrika ee badankiisa mushkiladuhu ka jiraan.
Michael Horton wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland lama aqoonsan, laakiin madaxbannaanideedu waa guul naadir ku ah juquraafi ahaan halka ay dhacdo ama ku taallo. Hase-yeeshee, horumarka cajiibka ah ee uu waddanka Somaliland ka sameeyey dhinacyada badan ayaa waxaa wiiqi kara xasillooni-darrada gobolka ee sii kordheysa.”
Mr. Horton oo ka warramaya xaaladda amni-darro ee Dalalka Gobolka Geeska Afrika, ayaa sheegay “Dalka ay jaarka yihiin Somaliland ee Itoobiya oo ah waddan horumar dhaqaale oo baaxad leh sameeyay, ayaa dagaallada sokeeye (ee socdaa) waxa ay halis ugu jiraan inay kala qaybiyaan ummadda Itoobiya. Suudaan, dawladda ayuu afgambi kale ku dhacay, sidoo kalena Suudaan waxa ay Itoobiya kula jirtaa colaad hoose oo ku salaysan xuduud la isku haysto. Soomaaliya oo ah Koonfurta Somaliland, kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa sii xoogaysanaysa maalinba maalinta ka dambaysa.”
Horton waxa kale oo uu tilmaamay in Geeska Afrika uu caan ku yahay colaado aan dhamaad lahayn “Laakiin, gudaha dalka Somaliland ee ay ku nool yihiin 3.5 milyan oo qof ayaa si guul leh dhowr jeer u qabtay doorashooyin dimuqraadi ah, kuwaasi oo ay ku xigto in awoodda si nabdoon looga kala wareego. Somaliland waxa u dambeeyay doorashadii baarlamaanka iyada oo aan wax shil ahi dhicin May 2021, Waxaana Aqlabiyad ahaan laga badiyey (Xisbiga talada haya).” Ayuu qoray Mr. Horton, waxaanu intaa sii raaciyey “Soddonkii sano ee ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, waxay si tartiib tartiib ah u dhistay hay’adaheeda iyo dhaqaalaheeda. Waxa ay guulo la taaban karo ka soo hoysey dhinacyada maamulka, waxbarashada, deegaanka, iyo la-dagaalanka argagixisada.”
Tifaftiraha qoray War-bixintani waxa kale oo uu sheegay in Somaliland dedaalkaas oo dhan ku samaysay iyadoon taageero buuran ka helin beesha Caalamka “Somaliland waxa ay arrintan ku samaysay wax yar oo kaalmo dibadda ah iyo dedaal, inkasta oo Maraykanka iyo waddamo kaleba ay ka dhego adaygaan guulahaas. Maqnaanshaha xaddi badan oo gargaar dibadda ah iyo faragelin (la’aan) ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay sababaha guusha Somaliland. Somaliland hay’adaheedu waxay ku horumariyeen habab dabiici ah oo ku habboon xaaladahooda bulshada. Horumarka ay Somaliland horseedka ka tahay iyo la’aanta mucaawinooyinka faraha badan ayaa ku riixay inay soo saaraan hay’ado adkaysi leh oo aan ahayn kuwo jilicsan oo cid ku tiirsan.”
Horton waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland la tacaalaysa shaqo la’aanta Dhallinyarada oo 70% ka ah Bulshada, haddana ay qaabishay boqollaal qoxooti oo ka soo qaxay colaadaha ka jira dalalka ay deriska yihiin.
“Marka uu dagaalka Itoobiya ka sii daro, waxa ka sii dari doona qulqulka qaxootiga ay ku jiraan dadka ka soo barokacay qowmiyadda Soomaalida ee Itoobiya, kuwaasi oo buuxin doona Somaliland oo aan weli (beesha Caalamku) dhaqaale la siin.” Ayuu qoray, waxaanu intaa sii raaciyey In iyadoo Somaliland la tacaalaysa arrimahaas kor ku xusan haddana ay tartan xoog leh ugu jirto Dawladaha ku tartamaya Geeska Afrika ee ay ku taallo “Somaliland, xilligaa ay la daallaa-dhacayso (dadka ku soo qaxaya), haddana waa inay ka qayb-gashaa tartanka xooggan ee u dhexeeya quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, waayo? Shiinaha, Ruushka, Qatar, Turkiga iyo Imaaraadku waxay Somaliland iyo Soomaaliya u arkaan inay yihiin albaabka bari ee laga soo galo khayraadka dabiiciga ah ee Afrika. Dhammaan Dawladahani waxay ku tartamayaan inuu midba walba saameyn ku yeesho oo uu galo Geeska Afrika.”ayuu qoray, waxaanu intaa sii raaciyey in siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland taageerayso in damaceedu u fulo “ilaa hadda, Somaliland waxa ay isku dayday, in badana ku guulaysatay in ay fuliso siyaasad dibadeed oo dheelli tiran, taasi io danahaas is-barbar taagtay. Bishii July 2020, dawladda Somaliland waxay ogolaatay inay Taiwan Safiirro iswaydaarsadaan iyada oo ka soo horjeeda Shiinaha.”
Horton wuxuu sheegay in go’aanka Somaliland kaga hor-timid Shiinuhu uu naadir ku yahay Caalamka “Go’aanka Somaliland waxa keenay go’aankeeda ah in ay sii waddo hab-raaceeda iyo rabitaanka ah in ay xidhiidh wanaagsan la yeelato Maraykanka iyo Ingiriiska.” Ayuu yidhi, laakiin wuxuu intaa ku daray oo uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku canaantay inay garan wayday inay xidhiidh wanaagsan la yeelato Maraykanka “Xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay si cad u garan wayday inay doonayso inay xidhiidh joogto ah oo faa’iido u leh la yeelato Washington.”
Michael Horton oo ah Tifaftiraha guud ee Wargeyska Modern Reformation, wuxuu qoraalkiisa ku soo hadal-qaaday hadal uu dhawaan sheegay Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), hadalkaas oo uu su’aal kaga keenay waxa Xukuumaddu xidhiidhka ula yeelatay Taiwan ee ay Shiinaha ku diiday “Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi, ayaa maamulka Biixi su’aal ka keenay xidhiidhka ka dhexeeya Taiwan. Cabdiraxmaan waxa uu soo qaatay rabitaanka Beijing ee ah in ay lacag aad u badan ku bixiso horumarinta gobolka. Doodda Cabdiraxmaan waa mid run ah oo aan shaki ku jirin in Shiinuhu soo jiidan doono qaar ka mid ah shacabka Somaliland marka uu la tartamo Madaxweyne Biixi doorashada madaxtooyada ee 2022-ka.”
Tifaftiraha qoray War-bixintani waxa kale oo uu xusay “Somaliland waxay u qalantaa una baahan tahay aqoonsi caalami ah oo ku wajahan horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay si loo helo dawlad dimuqraadi ah oo waarta. Maraykanku waxa uu haystaa fursad uu ku adkeeyo xidhiidhka uu la leeyahay qarankan Somaliland ee haysta rikoodhka la xaqiijiyay oo ku saabsan u hoggaansanaanta qiyamka iyo qaababka dawladnimo ee ay taageeraan. Laakiin, duruufaha iyo baahidu waxay ku qasbi doonaan reer Somaliland inay doortaan dhinac (Shiinaha/Taiwan), gargaarka Shiinaha ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid lagu qanci karo marka loo eego hadallada madhan ee Washington.” Ayuu yidhi.
Geeska.net/Hargeisa Office