Waqtiyada Ugu Fiican In Bunka La Cabbo Iyo Sababta

0
827

Picture9Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa caado ay u tahay in isla marka ay hurdada ka kacaan indhaha ku kala furan koob bun ah, waayo waxa ay aaminsan yahay in koobkani uu ka caawinayo firfircoonaynta jidhka. Bunka in badan ayaa ay khubarada caafimaadku siyaabo aad u kala fog uga warramaan waxtarkiisa ama waxyeelladiisa caafimaad. Cilmibaadhistan soo socota oo uu Geeska Afrika afsoomaali u turjumay ayaa ka jawaabaysa, su’aasha in badani isweydiin karto ee ah, “Waqtigee ugu fiican cabbitaanka bunka”

Waa run in bunku uu dhadhan fiican yahay, awoodna u leeyahay in uu beddelo dabeecadda iyo jawiga qofka, waxa aanay khubarada caafimaadku sheegeen in xilliga bunka ku habboon oo aad cabtaa ay keenayso in qofku uu sida ugu habboon uga faa’idaysto faa’idooyinkiisa caafimaad, oo ay ka mid tahay in ay ku jiraan maaddooyin ku liddi ah xanuunka macaanka iyo in dadka bunka cabba aanu inta badan ku dhicin cudurka maskaxda isku dhexdaadiya, laakiin su’aashu waxa ay tahay waqtigaasi waa goorma?

– Si Jidhku u helo faa’idooyinka caafimaad ee subaxdii laga helo cabbista bunka, waxa ay cilmibaadhayaashu ku taliyeen in waqti fiican loo dhexeysiiyo ka soo kicista hurdada iyo cabbitaanka bunka” Xeeldheerayaashani waxa ay sheegeen in marka uu qofku ka soo kaco hurdada ayaa qanjidhada Adrenal jidhka ku soo daayaan dheecaanka Cortisol oo loo yaqaanno hormoonka sakatiga iyo warwarka, waxa aanu hormoonkani jidhka ka caawiyaa in uu soo ceshado awooddii ay xubnuhu shaqooyinkooda caadiga ah ku qabsan kari lahaayeen, isla markaana waxa uu jidhka siiyaa tamarta uu u baahan yahay oo dabiici ah. Haddaba qofka oo isla marka uu hurdada ka kaca koob Bun ah cabbaa waxa ay keentaa in si xadka dabiiciga ah ka baxsan uu mar keliya kor u kaco xaddiga tamarta jidhka ku jirta, maadaama oo ay ku kulmayaan tamartii dabiiciga ahayd ee waqtigan iman lahayd iyo tan ka dhalanaysa cabbista bunka, taasina waxa ay keeni kartaa dhibaatooyin kale, sidaa awgeed waxaa fiican in qofku waqti u dhexeysiiyo soo toosidda iyo bun cabbista.

– Haddii qofku uu ka soo kicista hurdada iyo cabbitaanka bunka u dhexeysiiyo laba saacadood waxa uu jidhku ka helaa tamar dheeraad ah, waayo saacaddaas iyo iyo wixii ka dambeeya waxaa aad hoos ugu dhaca tamarta dabiiciga ahayd ee jidhka oo sida aynu kor ku xusnay aad kor ugu kacday markii uu qofku toosay, laakiin laba saac kadib hoos u soo dhacda.

– Haddii aad doonayso in aad duhurka kadib bun cabto waxa ay dhakhaatiirtu kugula talinayaan in aad ka dhigato qadada kadib oo laakiin waqti badani u dhexeeyo cashada, si aad u ilaaliso isu dheelli-tirnaanta tamarta jidhkaaga.

Digniin: Khubarada caafimaadku waxa ay ka digeen in bunka la cabbo hurdada ka hor, waayo maadadda Caffeine ee ku jirtaa waa baraarujiye ka hortaga hurdada taas oo aanu macnuhu ahayn in maadaddani gama’a uun qofka ka hor istaagayso, balse sidoo kale marka uu gam’o waa ay u diidaysaa in uu hurdo xeeldheer seexda.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in koobka u danbeeya ee aad bun ka cabtaa uu saacadda hurdadaada habeennimo ka horreeyo ugu yaraan Lix saacadood. Ugu dambayntiina waxaa fiican in qofku uu ka taxaddaro bun cabbista badan oo la og yahay in uu keeno hurdo xumo, noqdana balwad lala qabsado iyo sidoo kale in qofka ay dabeecaddu ka xumaato.