Waqtiga shidaalka Itoobiya la soo saari doono oo shaaca laga qaaday iyo qorshaha lagu doonayo in laga dhoofiyo dekedda Berbera

0
459

berbera2Addis Ababa (Geeska/Businessweek)-  Guddoomiyaha shirkadda SouthWest ee shidaalka ka soo saaraysa deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Tewodros Ashenafi oo dhowaan warbaahinta ugu warramay magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa sheegay in shidaalka ay ka soo saaraan deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku qaadi doonaan dhuumo shiidaal oo dhulka mara si loo gaadhsiiyo xeebaha Somaliland oo uu guddoomiyuhu sheegay in goobaha shidaalka laga qodayo ay u jiraan 120 kilo mitir oo keliya.

Shirkadda SouthWest oo laga leeyahay dalka Itoobiya waxa ay sheegtay in ay aad ugu niyadsan tahay natiijada ka soo baxday sahamin dhinaca saliidda ah oo ay ku samaysay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo intaas ku daray in shirkaddiisu ay kulamo la yeelatay shirkadaha waaweyn ee shidaalka qoda si ay uga wada hadlaan iskaashi dhex mari kara. “Natiijooyinka horudhaca ah ee ka soo baxaya sahamintan oo dhammaatay bishii February, ayaa ah kuwo aad noo dhiirri-gelinaya” ayaa uu yidhi Guddoomiye Tewodros oo waraysi bixiyey isniintii toddobaadkan ee 7 May 2012. Waxa aanu saadaaliyey in shidaalka la soo saari doono afarta bilood ee u horreeya sannadka soo socda.

Tewrdos Ashenafi oo magaalada Addis Ababa kaga qayb galayey shirka dhaqaalaha adduunka ee Afrika oo toddobaadkan ku qabsoomay dalka Itoobiya ayaa sheegay in shirkadda Petro Trans Co. oo laga leeyahay dalka Hong Kong kana shaqaysa qaybo ka mid ah ceelashada shidaalka laga filayo ee dalka Itoobiya ay gaasta dabiiciga ah ee deegaankaas laga soo saari karo ku qiyaastay illaa 113 Bilyan oo cubic meters.

Dalka Itoobiya oo uu dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay dhoofka bunka iyo wax-soo-saarka kale ee beeraha oo ah isha lacagta adag ee ugu badani ka soo gasho dalkaas.

Shirkadda SouthWest oo xarunteedu tahay magaalada Addis Ababa waxa ay ka diiwaangashan tahay Hong Kong waxaanay sahamin shidaal oo tan la mid ah ka waddaa deegaanno kale oo ka mid ah gobolka Gambella oo dhaca Koonfurta galbeed ee Itoobiya. Shirkaddu waxa ay goobaha shidaalka laga baadhayo ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ku maalgelisay lacag dhan 50 Milyan oo doolar, waxaanay sheegaysaa in ay saddexda sano ee soo socda maalgashiga gaadhsiin doonto illaa 150 Milyan oo doolar.  

Bishii August ee sannadkii 2011-ka ayaa wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey madaxweyne Siilaanyo booqasho ay ku tageen dalka Itoobiya una sii dhaafeen dalka China, gaar ahaan Hong Kong xilligaas oo ay xukuumaddu shaaca ka qaadday qorshaha ay hadda masuuliyiinta shirkadda SouthWest sheegayaan ee ah in shidaalka laga soo saaro deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu soo qaadi doono dhuumo dhulka hoostiisa mara oo soo gaadhsiiya dekedda Magaalada Berbera si looga dhoofiyo, waxa kale oo ay dawladdu xilligaas sheegtay in ay jiraan mashaariic kale oo horumarineed oo arrintaas la xidhiidha oo dalka ay ka fulin doonaan shirkado laga leeyahay dalka China.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo baaxad leh, dhaqaalihiisuna si xawliya u korayo ayaa la aaminsan yahay in ay aad u danaynayso isticmaalka dekedda magaalada Berbera oo haddaba ay ka soo dejisato raashinka gargaarka iyo alaabooyin ganacsi oo kale.