Wakiillada Oo Dalbaday Inuu Hor-yimaaddo Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Si Wax Looga Waydiiyo Shirkadda Trafigura

0
616

Hargeysa (Geeska) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dalbaday in Gole-weynaha uu hor-yimaaddo Wasirika Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) si wax looga waydiiyo Shirkadda Shidaalka ee Trafigura, taasi oo dhawaan heshiis la saxeexatay Somaliland.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Guddiga joogtada aha ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Shalay War-bixin siiyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Shirkadda Trafigura waa Shirkad ay heshiis la saxeexatay Somaliland, Shirkaddu waxay Maalgeshi u samaysatay laba nooc, inay heshiis la gasho Shirkado ay leeyihiin Dawladdu, taasi oo ah heshiis wada lahaansho, si ay gabbaad ugu noqoto uguna adeegsato Magaca shirkadda Dawladda.”

Xildhibaanku wuxuu ka warramay Dambiyo waaweyn oo uu sheegay in shirkaddu ka gashay dalal Afrika ku yaalla, sida Dalka ivory coast oo uu xusay inay 12 meelood oo ka ah ku aastay sun “Dambiyada xun ee Shirkaddan ka dhacay (waxa ka mid ah) Suntii ay Afrika ku aastay, shirkadda Trafigura Sun ayay ku aastay Dalka ivory coast, suntaasi oo ay ka soo waaridday Waddamada Yurub, Goobaha Sunta lagu aasay ayaa ah 12 Goobood oo ku dhaw Caasimaddaas, suntaasi oo ay ku dhinteen 17 Qof, Caafimaadkoodana ay Halis gelisay Dad gaadhaya 100 kun oo Qof, Suntaasi oo dhaawac xun u geysatay Maqaarka, Sambabada, sidoo kalena keentay Waalli.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Shirkaddaa waxa loo baahan yahay in la baadho oo Gole-weynuhu u yeedho Wasiirka Ganacsiga, si wax looga waydiiyo Shirkaddan iyo Xaaladdeeda..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office