Tehran (Geeska/DMail)- Milateriga dalka Iran ayaa cadeeyey inay sameeyeen diyaaradaha nooca duuliyaha aan lahayn oo gaadhi karta Yuhuuda iyo barriga dhexe, bilo ka dib markii ay qabteen mid Maraykan lahaa.
General Amir Ali Hajizadeh, hogaamiyaha ciidanka jamhuuriga, ayaa ku tilmaamay diyaaradan mid kordhinaysa awooda ciidankiisa, isla markaana diyaarada oo loo bixiyey Shahed-129, ama Markhaati-122 ayaa duuli karta masaafo gaadhaysa laba kun kilo-meter, isla markaana xanbaari karta gantaalo iyo bambooyin.
Samayn diyaaradan cusub ee Iran ayaan la hubin inay ku jiraan qeybo ka mid ah diyaarad noocan oo kale oo bishii December ciidamada Iran soo rideen.
Ciidanka Iran ayaa sheegay inay dib u heleen macluumaadkii diyaaradaa Maraykanka oo magaceedu ahaa RQ-170 Sentinel isla markaana dhiseen mid nooceeda oo kale oo Iran leedahay.
Tehran ayaa sidoo kale shalay tijaabiyey gantaalo lidka maraakiibta, ka hor dhoolatus ciidanka badda lagaga jawaabayo maraakiibb dagaal oo Maraykanku soo dhoobay biyaha Persian Gulf.
Hogaamiyaha ciidanka jamhuuriga Iran, Gen. Amir Ali Hajizadeh, ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan xarumaha Maraykanka ee barriga dhexe, hadii Yhuudu weeraraan xarumaha nukliyeerka Iran.
Comments are closed.