Wakaaladda Oo Markii U Horaysay Taariikhda Soo Iibsatay Mishiin Awood Leh

0
858

 

biyahaHargaysa(Geeska) Maareeyaha wakaalda biyaha ee magaalda Hargaysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa shalay ku soo bandhigay xarunta wakaalada biyaha ee magaalda Hargaysa mishiin cusub oo uu ku soo kordhiyay wakaalda biyaha iyo qalab faro badan oo loogu talo galay in lagu dayac tiro mishiinidii hore iyo kuwa cusuba ee wakaaladaas.

Munaasibadda lagu soo bandhigaayay mishiinka cusub ee ay soo iibsatay wakaalada biyaha ee Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Axmed Ducaale, wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed, maayarka Caasimada ENG.Xuseen Maxamuud Jaciir iyo qaar kamida culimada Somaliland.

Ugu horayna waxa halkaas ka hadlay maareeyaha wakaalda biyaha ee Hargaysa oo sharaxaad ka bixiyay qalabkan ay soo iibsadeen iyo waliba sida ay ula tacaaleen jiilaalkii dheeraa ee magaalda soo mara waxaana hadaladiisa kamid ahaa

“Waxana maanta u joognaa xafladani mishiinkaa wayn oo 550KVA ah oo ay wakaalda biyuhu soo iibsatay , mushiinkan oo ay tayadiisu sarayso oo Ingiriisa iyo qalab badan oo lagu dayactiro mishiinadii hore iyo kuwan cusub. Sidaan lawada socono wakaaldaa biyhu waa halbawlihii biyaha caasimada ka shaqaynayay, waa hawl wayn oo aad u dhib badan illahayna waxaan marka hore ka baryaynaa inuu noo fududeeyo, mishiinkan anagaa soo iibsanay ka wakaalad ahaan waxaanan ka soo iibsanay dakhliga ka urura lacagta macaamiisha laga qaado, wax lacagna na’lagama laha, waxaanu ku kacay 57000 Dolar (Todaoba iyo kontan kun oo doolar) qalabkan lasocda ee dayactirka ahina isagana waxaan ugu talo galnay inaan isticmaalno lixda bilood ee fooda inagu soo haya, sidaan lawada soconana wax inugu soo aadan xagaa wakaalda biyahu laba jeer ayayna hawsheedu ugu badantahay marna waa jiilaalka marna waa xagaaga, labada jeerba waxa ay keenaan kulayl iyo dhibaato, illaahay waa inagu guuleeyay oo waad arkayseen jiilaalkii dhacay mudaharaad kaliya oo Hargaysa biyo la’aan uga dhacay muujirin, isagoo noqday jiilaalkii ugu dheeraa ee mudo dheer ina soo mara, waxaanan ku dadaalnay inaanu wax yar oo joogsi ahi dhacin, mishiinaduna waxa ay shaqaynayeen 24 saacadoodba illaahayna waa nagu guuleeyay, kana waxa uu noo sii xoojin doonaa’uun hawshaa inoo socotay”

Waxa isaguna halkaas ka hadlay wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Axmed Ducaale oo daboolka ka ka qaaday inay ka bilaabi doonaan hawdka Hargaysa toban ceel oo ay damcasanyihiin in lagu waraabiyo koonfuta Hargaysa oo ay ka taagantahay  baahiwayn oo dhanka biyaha ahi waxaana hadaladiisii kamid ahaa

“Mishiinkanina wax wayn ayuu ka tarayaa dhibaatooyinka ka haysta wakaalda dhanka biyo soo saarka. Wax yaalo badana ayaan runtii hawshooda ku jirnaa wakaaldana aan iskala shaqaynaa waxaanan halkan uga faa’idaysanayaa laba arimood oo aan damcsanaa inaan dadwaynaa u sheego, mid weeyaane marka ugu horaysa marshuucii waynaa ee biyo galinta ee Hargaysa ee nimanka reer yurub ay inoo wadeen illaa hada wax ka hor-yimid ma jiraan, rajaduna aad iyo aad ayay u wayntahay warkii u danbeey ee ka yimidna waxa uu odhanayaa waxaad ka war-wartaan yaanay jirin, maray noqotaba marshuucaasi waa la xaqiijinayaa insha allaah, waynu ognahay in nidaamka uu maareeyu ku shaqaynayaa in aanu ahayn nidaam ku filan magaalada, waa nidaam loo baahan yahay in laga guuro markaa insha allaahu mar’shuucaasina waa mar’shuuc aan filayo inuu inoo soo socdo, wakhtigiisana waynu gaadhi doona walina majiraan wax dhibaato ah oo ka hor yimid.”

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay maayarka caasimada ENG.Jiciir, wasiirka diinta iyo waqaafta Sheekh Khaliil iyo columo ka soo qayb gashay waxaanay dhaamaantood ku bogaadiyeen maareeyaha wakaalda biyaha ee Hargaysa dadaalkiisa iyo mishiinkan cusub ee uu ku soo kordhiyay wakaalada.