Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa cambaareyey falkii af duubka ahaa ee lagula kacay Weriye Cabdishakuur Heersare oo ka mid ah Wariyayaasha ka hawl-gala Warbaahinta dalka, isagoo saxafigani qaar ka mid ah dadka ku dhow dhow wasiirka ku eedeeyay inay afduubeen.
Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), oo Shalay isagu Shir jaraa’iid ku qabtay Xarunta Xisbiga Waddani ayaa waxa uu Qaran jab ku tilmaamay in Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu Wariyayaasha dalka uu afduub u geysto, kuna cabsiiyo Libaaxyadiisa, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka codsaday inuu xilka ka qaado Wasiirka, ugu horeyna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa qaran jab iyo dhibaato ah in Wasiirka Arrimaha Guddaha oo Ciidamadii kala duwanaa ee Amaanka ay isaga hoos yimadaan, inuu Ciidan beeleed uu samaystay uu u adeegsaday Wariye ka tirsan Warbaahinta dalka , isaga oo Wariyahahaasna afduub u geystay, dadkii uu u adeegsadayna ay ku cabsiyeen uguna hanjabeen inay Libaaxyo siin doonaan, iyada oo markii hore lagu hayey Saxaafadda kala duwan ee dalka iyo Wariyayaasha cabudhin, Xadhig iyo cago juglayn ayaa waxa Maanta timid in Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudduhu uu Libaaxyo ugu hajabo Wariyayaal badan, kuna yidhi waxa aan idinku diri doonaa Libaaxyadayda”. Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aan Madaxweynaha ugu baaqay in sida uu dhakhsaha badan uu xilka uga qaado Wasiirka Arrimaha Guddaha, madaama uu ku kacay fal aad u fool xun, madaama uu Wariye u adeegsaday afduub, aan sharciga waafaqsanayn, waxaana Xisbiga Waddani uu tacsi arintan uga dirayaa Wariyaayaasha, Warbaahinta iyo Shacabka reer Somaliland, arintan uu Waiirku kula kacay Wariyaha”. Wasiirka oo ay shalay saxaafadu eeddan wax ka weydiisay, ayaa ku gaabsadan inaanu arrintan maqal ee uu baadhi doono.