Hargeysa(Geeska)-Xogyahaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sheegay in habsami u socodka hawlaha Komishanka doorashada ay cabaqad ku tahay wakhtiga doorashada ee aan ilaa hadda la cayimin, waxa kale oo uu sheegay inay Komishanka ay dhib ku tahay heshiiskii dhexmay Mucaaradka iyo Xukuumadda oo uu tilmaamay in ilaa hadda aanay Xukuumaddu fulin, waxa kale oo uu sheegay in inay dhib kale ay tahay diiwaangelinta Doorashada oo ilaa hadda la sameeyn.
Xogyahaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo Shalay Shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn waxa uu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Dhibta haysata Komishanka Doorashada iyo Qaranka Somaliland ba waxa weeye iyadoo aan ilaa Maanta Xukumaddu fulin oo aanay hirgalin heshiiskii Xisbiyadu gaadheen. Arrinta dhibta ku haysa Komishanku waxa weeye Dad inta wax loo diray wakhti cayimanna aan la siin oo la leeyahay waxna qabta dibna yaanay u dhicin, waxna ha dhammaadaan,”.
Xoghayaha Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta Codbiyayaasha ayaa yidhi “Wixii lagu heshiiyay ee Komishanka qoraal loogu gudbin lahaa, oo ay si rasmi ah ugu shaqayn lahaayeen oo aanu Madaxweynuhu ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadini waxay keenaysaa inay dib u riixmaan arrimaha diwaangalintu, taasina waxay dhib ku tahay Komishanka, Dadka Somaliland iyo cid kasta oo dimuqraadiyadda jecel,”.