Waddani Oo Faysal Dacweeyay Iyo Jawaabta Uu Isna Ka Bixiyay Dacwadaas

0
485

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe u gudbiyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland, iyada oo ujeedada dacwadani tahay in   Eng: Faysal Cali Waraabe uu dil ugu hanjabay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxmaan Cirro), isla markaana uu ugu hanjabay inuu toogan doono, balse Faysal Cali Waraabe ayaa isna dhankiisa jawaab ka bixiyey dacwadan, waxaanu sheegay in sababta uu hadalkan u yidhi ahayd in Cabdiraxmaan Cirro uu sharcigii jabiyey, isla markaana uu si sharciga ka baxsan uu olole u sameeyey.

2

Haddaba ugu horeyn  war saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Waddani oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa u  dhignaa sidan "Annaga oo ah madaxda Xisbiga WADDANI waxanu halkan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbineynaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland dacwad hanjabaad dil-toogasho ah oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 shir ka socday xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane: Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro).

Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilka-toogasho ah waxa goobjoog ka ahaa shan xubnood oo ka tirsan Koomishanka Doorashoyinka Qaranka iyo todoba xubnood oo wakiilada saddexda xisbi qaran u jooga Koomishanka.

Hanjabaadda Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah xadgudub ugu tahay ammaanka iyo xoriyadda shakhsiyeed ee Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha guud ee qaranka iyo geedi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Falkan uu ku kacay Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe wuxu lid ku yahay qodobada dastuurka ah ee ay ka midka yihiin qodobka 24aad iyo 25aad oo sheegaya xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo dhawrsoonaanta sharaftiisa, magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasaanadda masuuliyiinta qaranka iyo ammaanka guud ee Somaliland.

Haddaba Koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilka-toogasho ahi ay ka dhacday xaruntooda isla markaasna goobjoog ahaa, waxa xil ka saaranyahay inay talaabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrintani inay iyaguna talaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gutaan dhacdadan.

Ugu dambayn Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u hoggaansanyahay dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama isla markaasna wuxu dhawrayaa anshaxa tartanka doorashooyinka, wuxuna tixgalin baaxad leh u hayaa go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka kasoo baxa".

Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe oo isna dhankiisa jawaab ka bixiyey dacwada hanjabaada ee ay ka gudbiyeen Xisbiga Waddani ayaa isagoo u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu yidhi  "Waa nasiib darro in Xisbiga Waddani oo aynu ognahay inuu dalkii qasay khatar uu galiyey diiwaangelintii oo uu olole u bedelay sharci daro ku fadhiyo guddoomiyahoodu, Guddoomiyihii Xisbiga Mucaaradka ah isla markaana Guddoomiyihii Barlamaanka ah, Xeerkii Golaha Wakiiladu  baasgareeyen markii ay Guurtida u dirayeen  bedelay,ku xigeenkiisi feedhay,Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha markii Awdal ololuhu ka socday lix markhaati loo hayo uu yidhi wejiga ayaan ka tooganayaa, weji ka weji, inay khaladkiisa tayda lagu qariyaa waa nasiib daro.”

Isagoo Faysal hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “shalay [Salaasadii] waanu fadhiisanay meesha dacwad baanu gaynay, Saddexda Xisbi baa fadhiyey, komishankaana fadhiyey,waxaan idhi Cirro iyo dadkan daba yaacaya haddii xeer aan ina kala saara iman oo Diiwaangelinta iyo xeerka anshaxa aanu sameynay iman waa la is dili doonaa, waana la toogan doonaa,waanan toogan doonaa,ayaan waliba idhi, waan u sharaxaya, oo   haddii aanu sharci jirin, waa la is dilayaa, waxa la yidhi Guddoomiye intaas ka reeb, waxa aan idhi waan ka reebay, laakiin waxa aan idhi Waddaniyoow waan idiin sheegayaa haddii aydaan joojin basar xumada, laakiin tiisi Wasiirka xilka haya ee weji ka weji ee lixda markhaati loo hayo, ee uu yidhi waan ku tooganayaa, anigu waxa aan idhi haddii aan sharci la sameuuyn, taa miyaa la iloobay, haddana waan ku celinayaa Cabdiraxmaan damiir uu ku joogsado haddii aanu la iman oo shaqsinimadiisa oo uu xeer ilaaliya aanu la iman , ama sharci aanu la imanin,dalka qas buu galinayaa, markaa qofku haddii aanu damiir lahayn; is qabanayn, kursi ku waashay ILLAAHAY gacanta ku hayo khatar buu galayaa markaas arintu sidaas ayey ahayd, xeerkiina waa taas la soo saaray laakiin waa lama huraan haddii aan sharci lagu wada socon madax ayaa  la isku dhufanayaa."