“Dulmiyoow na soo dhaaf, dayaxaagii wuu dhacay, digo-rogo habaaroow, dibna hanoogu soo noqon”
Hargeysa(Geeska)-Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), ayaa tiriyay maanso cusub oo la magac baxaday Garbo-Diir, taas oo uu xalay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Hudheelka Sumer Time ee magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay.
Abwaanu waxa uu maansadan Garbo-Diir ku dhaliilayaa xukuumadda haatan talada dalka haysa isaga oo u soo jeediyay dhaliilo ay ka mid yahiin cadaalad daro,hOrumar la’aan iyo mid ku durdurisay shacabkii shalay doortay.
Xafladan balaadhan oo lagu soo bandhigaY Maansadan waxa ka soo qaybgalay dhalinyaro tiro badan,haween, waayeel iyo martisharaf. HaDdaba waxa uu wargeyska Geeska Afrika oo ka qaybgalay xafladaas lagu soo bandhigaayay maansada Garbo-Diir uu halkan idiinku soo bandhigayaa maansadaas, waxaanay u dhignayd sidan.
Wuxuu geelu dararaa
Markuu guri-san daaqaa
Wuxuu ramadku deexdaa
Marka uu nirgaha dayo
Wuxuu awrku doobyaa
Marku qooq ku dacal dhabo
Wuxuu farasku dananaa
Markuu waagu daalaco
Waxa gabadh la doonaa
Marka guudka loo dabo
Wuxuu geesi diriraa
Markay hiiri damaqdaa
Wuxuu gabay dux leeyahay
Marka loo dareen qabo
Maantana darmaantii
Calan sidaa diyaaroo
Dawineysa heestee
Ka rog dhacanta deyroow
Gudgudaa ka da’ay Hawd
Waqal baa ku maax dumay
Geediga la dalandali
Doog raace reeruhu
La dareeri xoolaha
Kaayaga se daaqiyo
Meeshii degsiimo leh
Dibaa looga celiyaa
Anna waxan la duubnahay
Dareenkayga shidayaa
Dunqulaalshay waa kaa
Dantu waxay u baahneyd
Intaan doolka geediga
La dareerin gumarada
Cid horseedka loo dayo
Dantu waxay u baahnayd
Baadida nin deydaya
Ka dib jireyna soo hela
Isku daadaheeyaha
Dantu waxay u baahneyd
Duco qabe la mahadshiyo
Odey beela daaje ah
Iyo hanad ma daale ah
Dantu waxay u baahneyd
Door iyo waxgarad haga
Hayin biyo madaadshe ah
Marna geesi daafaca
Dantu waxay u baahneyd
Nabarada damqanayaa
Doog iyo ladh keenee
Mid daweeya boogaha
Dakharada sabool dhaya
Dantu waxay u baahney
Dihnigii galaydhkiyo
Dareen galaw mid yeeshoo
Daakiraada sara kaca
Afartaa dugaagado
Dahab miidhan maw xidhay
Iyo darayo muuskii
Rabow waxa I daashadey
Daruur heemaneysoo
Misna aan da’aynoo
Soo haabo diidoo
Samalaho dabayl iyo
Onkod iyo dayaan badan
Oo aan darooreyn
Rabow waxa I daashadey
Rati doobta laliyoo
Hadii geela lagu daro
Daruur aan shaf saareyn
Ama qaalmo deer-cada
Weligii dalaan-dalin
La soco…………