Wada Hadaladii Xisbiga KULMIYE Iyo Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo God Dheer Ku Dhacay Iyo Arrimaha Sababay Oo La Soo Bandhigay

0
612

Hargeysa (Geeska)-Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee wada hadalada kula jiray labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye ayaa waxay sheegeen inay joojiyeen isla markaana hakiyeen wada hadaladii ay kula jireen Xisbiga Kulmiye, waxayna tilmaameen sababta ay u hakiyeen wada hadaladani ay tahay hadalo meel ka dhac ku ah garabkooda oo kaga yimid Xisbiga Kulmiye.

1

Xoghayaha Garabka Jamaal Cali Xuseen;  Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Guddida wada hadalada kula jiray labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddanina ka mid ah ayaa isagoo  ugu horeyn arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Anaga oo hore wax uga tirsanaynay Xisbiga Kulmiye, haddana anaga oo hor fadhiisanay inay afkoodii ka soo baxday garab Jamaalna garan mayno, heblaayana garan mayno, arintaas iyada ah waxaanu sugaynay ilaa shalay, anagoo maanta balan la lahayn, waxa noo cadaatay in aanay ka soo noqonin, sida darteed waxaanu go’aansanay haddii aanu nahay Guddidi Garabka Jamaal Cali Xuseen in aanu hakino , wada hadaladii noo socday Kulmiye, sababta aanu u hakinayna waxa weeye iyadoo Kulmiye waxa aanan ka filayni nagaga yimadeen, anagoo wax hore tirsanaynay, oo ay yidhaahdeen Garab Jamaal garan mayno, oo magacayagii tixgelin ka weynay, oo aanu sugaynay ilaa Jimicihii, waxaanu isku qaabilayna waa la ogaa, laakiin waxay nagu qaabileen haddii ay yidhaahdeen Garab Jamaal garan mayno, Garab heblaayana garan mayno waxaanu ku hor fadhinay iyaga ha la weydiiyo, Anagu waxaanu ahayn Xisbiga UCID aqbalabiyadiisi, wax kasta oo nagu dhacay waxaanu go’aansany in aanu la hadalno labada XIsbi Kulmiye iyo Waddaniba,anagoo wada hadalada la furnay, ayaa haddana  erayadaas aanu idin sheegayno afkooda ka soo baxday, sida darteed ayaanu u hakinay”.

Mar wax laga weydiinayey inay Muuse Biixi ka cadhoodeen ayaa yidhi “Anaga Guddi baa na loo soo saaray,Guddi baanu Labada Xisbiba kula kulanay, Muuse Biixi iyo cid kale toona kamaanu cadhoon, waxaanu la balansanayn shalay, balse iyaga ayey afkooda ka soo baxday Guddi nala joogay arintaas aan idin sheegayo”

Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo iyana garabkan ka mid ah oo halkaas ka hadashay ayaa tidhi “Xisbigii UCID ee Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye burburiyeen, iyagoo ka wada in burburkaas kaga faa’iidaystaan in Kursiga mar labaad ku hantaan, Xisbiga Kulmiye oo fikirkoodu yahay haddii Jamaal Cali Xuseen ka baxo musharaxnimada inuu guulaysanayo Xisbiga Kulmiye, iyagoo dhinac reereed iyo dhinaca siyaasadeed uu min qiyaaskoodu yahay,waxaan leeyahay oo aan fariin u dirayaa reer Kulmiye iyo Xukuumadooda is xanbaarsan haddii aad guul ka filanaysaan burburka Xisbiga UCID waxaan leeyahay Xisaab khaldan ayaad is xisaabiseen, kursiga cida ku guulaysanaysa ILLAAHAY baa qadaray oo anigu ma odhan karo Waddani baa helaya, iyo Kulmiye helaya toona, kii helayaba ILLAAHAY xagiisa ayuu ka qoran yahay, laakiin waxaan u sheegaya reer Kulmiye in la idinku jawaabo cadho aamusan, oo aad is weydiinaysaan garabkii Jamaal wuu aamusan yahay ee maxaa aamusiiyey, in cadho aamusan la idinku jawaabayo idinkuna aad xisaab khaldan is dhacsiiseen, una qabtaan iyadoo Odaygii hore ka dagin in dhaartuun idin dhiman tahay.”

Xisbiga KULMIYE ayaan weli wax jawaab ah ka bixin dhawaaqan ka soo yeedhay kooxda uu Jamaal u xushay wada hadalada, waxaana muuqata in wada hadalkii labada dhinac uu god dheer ku dhacay.