Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Burburay

0
659

baHargeysa(Geeska)-Wada hadaladii la filayay inay dawladaha Somaliland iyo Somaliya uga furmaan Turkiga ayaa burburay ka dib markii ay dawladda Somaliland diiday inay miiska wada hadalka la fadhiisato ergada ka socotay Somaliya oo ay ka mid yihiin dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan dawlada Somaliya.

Dawladda Turkiga ayaa dedaal xoogan u gashay labadii habeen ee u dambeeyay sidii ay wada hadaladu u furmi lahaayeen Isniintii shalay, laakiin dedaalkaas ayaa guuldaraystay ka dib markii ay dawladda Somaliya diiday inay ergada wada hadalka ka saarto xubnaha u dhashay Somaliland. Waxaanay dawladda Turkigu ugu dambayn labada wefti u soo jeedisay inay la tashi la soo sameeyeen labada Madaxweyne ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dawladda Somaliland ayaa dawladda Somaliya ku eedaysay masuuliyadda burburka wada hadalka, ka dib markii ay ergada wada hadalka ku soo dartay xubno Somaliland u dhashay oo ay dawladda Somaliland sheegtay inay galeen dambi ah khiyaamo qaran ka dib markii ay ka soo horjeesteen aayo ka tashiga shacabkooda.

Dawladda Somaliya ayaa iyaduna dhinaceeda masuuliyadda burburka wada hadalka ku eedaysay dawladda Somaliland oo ay sheegtay inay shirka la tagtay shuruud ah ergada Somaliya ka socotay oo ay dawladda Somaliya sheegtay inay xaq u leedahay soo xulida ergada shirka uga qayb galaysa.