Waalidiinta Danyarta Ah Oo Ka Cabanaya Lacagta Laga Qaado Dugsiyada Dowladda, Oo Hore Xukuumaddu U Sheegtay Inay Bilaash Yihiin Warbixin uu diyaariyay weriye Khaalid Foodhaadhi

0
692

Hargeysa (Geeska) – Waalidiinta danyarta ah ee caruurtoodu dhigtaan dugsiyada hoose dhexe ee dowladda Somaliland ayaa waxa ay ka cabanayaan kharashka iskuulka ee ardayda laga qaado, kuwaasi oo sheegay in aanay awoodin bixinta lacagta laga qaado ardaydooda.

1

Muna Maxamed Jaamac oo kamid ah waalidiinta danyarta ah ee caruurtoodu dhigtaan dugsiyada hoose dhexe ee dowladda Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in ardayda dugsiyada dhigata laga qaado lacago aanay awoodayn isla markaana ay dowladda Somaliland horay u sheegtay in dugsiyada hoose dhexe ay bilaash yihiin.

“Ardayda markii hore iyadoo la yidhi waa bilaash ayaa markii dambena lacagtii lagu kordhiyay, imikana waxay sii ordaysaa saddex dollar ee maxay ku dhacday tolow?” ayay tidhi hooyo Muna oo u warramaysay wariye Khaalid Foodhaadhi.

Hooyadani waxa kale oo ay sheegtay in caruurta lagu soo eryo lacagtan laga qaado haddii ay ku bixin waayaan wakhtiga loogu talo galay, isla markaana lagu qasbo. “Waa lasoo eryaa oo waxa la odhanayaa bishii soo qaad, hooyadaa iyo waalidkaa bishii kasoo qaad ayaa la odhanayaa, bishii qasab ayaa lagaga dhigayaa” ayay markale tidhi Hooyo Muna.

Sidoo kale, hooyo Muna Maxamed Jaamac waxay sheegtay in laga qaado lacagyow kale oo aan ahayn bisha iskuulka, balse ay ku sheegtay inay yihiin lacagyow lagu tilmaamay dan guud kuwaasi oo aanay awoodin inay bixiyaan waalidiinta danyarta ah, waxaana ay tidhi iyadoo markale arrintaasi ka hadlaysa; “Waxay odhanayaan [Macallimiintu] ardayoow soo qaad lacagtii waddada iyo tii abaarta intaba waa la odhanayaa mana nihin dad awoodaya, waayo 18-kii bisha ayaa dirqi lagu keenayaa”

Hooyadan waxa kale oo ay sheegtay in lacagta hadda ardayda laga qaado iyo lacagtii markii hore ee dugsiyada hoose dhexe ay dowladdu ku dhawaaqday inay bilaash yihiin laga qaadi jiray mid ka badan maanta laga qaado. “Lacagtii lagu bilaaabay tu ka badan ayaa laga qaadaa maanta” ayay tidhi.

Dhinaca kale, macallimiinta dugsiyada dowladda dhiga qaarkood oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa sheegay in lacagtan ardayda laga qaado isla markaana aanay dugsiyada dowladdu bilaash ahayn, waxaana ay intaas ku dareen in dowladdu ay arrintan ka war qabto – balse dhaqaalaha dowladdu ay macallimiinta siiso oo hooseeya awgeed ay dowladdu ka aamustay arrinkani.

Ugu dambeyntii, xukuumadda Somaliland ee haatan talada dalka haysa ayaa sheegtay markii ay la wareegtay xukunka in waxbarashada aas-aasiga ah gaar ahaan tan dugsiyada hoose dhexe ay dhammaan dalka oo dhan bilaash yihiin ama lacag la’aan, waxaana arrintani ay noqotay qodobka ugu wayn ee dhanka waxqabadka taasi oo xukuumadda madaxweyne Silaanyo ay ku faanto, balse waalidiinta caruurtoodu dhigtaan ayaa arrintan ka cabanaya isla markaana sheegaya in iskuullada laga qaado lacagtii horay looqa qaadi jiray mid ka badan.

Si kastaba ha ahaatee, waalidiinta danyarta ah ee caruurtoodu dhigtaan dugsiyada hoose dhexe ee dowaldda ayaa codsanaya in laga daayo Lacagta haatan laga qaado – maadaama aanay awoodayn isla markaana xukuumaddu ay horay u sheegtay in dugsiyada hoose dhexe ay lacag la’aan yihiin.